Xukuumadda Oo Ka Hadashay Xadhigga Nin Ugaasnimo Sheegtay Oo Xisbiga WADDANI Buun Buuniyey

1
822
Xukuumadda Oo Ka Hadashay Xadhigga Nin Ugaasnimo Sheegtay Oo Xisbiga WADDANI Buun Buuniyey
Xukuumadda Oo Ka Hadashay Xadhigga Nin Ugaasnimo Sheegtay Oo Xisbiga WADDANI Buun Buuniyey

Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka hadashay xadhig dhawaan lagula kacay muwaadin kasoo jeeda gobolka Togdheer, laguna magacaabo Cabdiraxmaan Diiriye Xaaji Ibraahim oo sheegtay ugaasnimo, kaas oo xisbiga WADDANI ay xadhigiisa siyaasadeeyeen.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md.Jaamac Cabdilaahi Biin oo xadhiga ninkan ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inaanay jirin cid ninkaas ugaasnimada uu sheegtay u caleemo-saartay, “Ugaas bay ku sheegeen Cabdiraxmaan Diiriye Xaaji Ibraahim oo aan u garanayo sida wax garto sida ugu badan, haddii cidi dooratay oo uu cid metelo oo carruurta gurigiisa iyo walaaladii caano ku shubeen oo magac u bixiyeen ugaasba ha yidhaahdeen cidi iskuguma iman” ayuu yidhi Jaamac Biin.

Waxa uu intaas ku daray in dadka deegaanku ninkaas ka ashkatoodeen, isla-markaana uu tafaraaruq iyo kala fogaansho geliyey bulshada, waxana uu yidhi,“magac uu isagu la baxay oo loosoo bixiyey sidaan qabo ayuu wataa, nin ganacsade ah oo Hargeysa iska jooguu ahaa, haddii uu ugaas yahayna cidi may xidhayn, waxase lagu xidhay been abuur uu ka been abuurtay saldanad aanu ahayn oo aan loo caleemo saarin, waxana ka mushkati ah dadkii uu tafaraaruqa iyo dhibta gelinayey, maxkamaddana waa lagu taagayaa.”

Wasiirku waxa uu meesha ka saaray warar ay xisbiga WADDANI faafinayaan oo sheegaya in ninkaas loo xidhay taageero uu iyaga u muujiyey,“inanka yari wuxuu sheegay baanu ku qabsanaye WADDANI kumaanu xidhin, dadkii taageerayey ee Hutel Barwaaqo joogayna qofna lama soo xidhin, qof WADDANI taageeray oo la xidhayna ma jirto, haddii la xidhayna waa sharci-darro”ayuu yidhi Jaamac Biin.

1 COMMENT

Comments are closed.