“Ma Garanayo Wax Aan Siyaasaddii Dibedda Kaga Warramo, Waxan U Malaynayaa Inay Shandadda Yar Ee Sacad Ku Jirto”

0
863
“Ma Garanayo Wax Aan Siyaasaddii Dibedda Kaga Warramo, Waxan U Malaynayaa Inay Shandadda Yar Ee Sacad Ku Jirto”
“Ma Garanayo Wax Aan Siyaasaddii Dibedda Kaga Warramo, Waxan U Malaynayaa Inay Shandadda Yar Ee Sacad Ku Jirto”

Guddoomiyaha guddida arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah ee golaha wakiilladda Somalilad xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, ayaa eedo kulul oo la xidhiidha habsami-u-socodka siyaasadda arrimaha dibadda u jeediyey wasiirka arrimahada dibadda Dr. Sacad Cali Shire.

Xildhibaanka oo si gaar ah ugu warramay telefishanka Somalinews, ayaa shaaciyey inuu wasiirku keligii isku koobay siyaasaddii arrimaha dibadda ee qaranka lagu hagi lahaa,“siyaasaddii arrimaha dibadda maanta wax aan kaga warramo garan maayo, waxana aan u malaynayaa inay shandadda yare e Sacad Cali Shire ku jirto, maalmahanna waxan maqlayey Faysal Cali-waraabe ayaa qolo Soomaaliya ah la shiraya” ayuu yidhi xildhibaan Kijaandhe.

Waxa uu xildhibaanku hoosta ka xarriiqay in gudida uu katirsan yahay ee arrimaha guduhu dhaqaale darro darteed uga gaabiyeen hawlihii la xidhiidhay siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“guddida arrimaha dibaddu waxa ay ka shaqayn kari la’dahay Budjet malaha ninkii tigidhka iska bixin kara ayuun baana arrimahaas gacanta ku haya, madaxtooyada iyo meelahaas uun baana iska wal walaaqda.”

Xildhibaan Kijaandhe waxa uu wasiirka arrimaha dibadda ku eedeeyey inaanu arrimihiisa la socodsiinin guddida uu kamidka yahay, waxana uu xusay inay dhawaan warbixin saluuugooda la xidhiidha xukuumadda u diri doonaan,“Wasiirka arrimihaa dibaddu waa keligii aad iyo aadna waanu u saluugsanahay sida uu u shaqaynayo, dawladdana waxanu isku dayeynaa inaanu warbixin u qorno oo xaaladdu siday tahay aanu uga warrano, dadkii ay siyaasaddu arrimaha dibaddu ka go’aysay baanu nahaye yaan laga faa’iidaysan lacag la’aantayada oo waa in arrinka wax nala siiyo, waayo wax weyn baanu ku biirin karaynaa oo tari karaynaa, nin keligii soconayaana waxba ma keeni karo” ayuu yidhi xildhibaan Kijaandhe.