Kijaandhe oo ku Dooday in Taageerada Xisbul-xaakimka Waxba iska Dhimin

0
823
Kijaandhe oo ku Dooday in Taageerada Xisbul-xaakimka Waxba iska Dhimin
Kijaandhe oo ku Dooday in Taageerada Xisbul-xaakimka Waxba iska Dhimin

-Xildhibaan Axmed Cabdi-nuur (Kijaandhe), oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in aanay wax ba iska bedalin taageeradii uu xisbiga KULMIYE ku lahaa gobolka Hawd iyo degmada Axmed dhagax ee caasimadda Hargeysa.

Xildhibaan Kijaandhe oo shalay u waramayay qaar ka mida warbaahinta,ayaa waxa uu sheegay in deegaanka uu ka soo jeedaa ay yihiin meelaha saldhiga u ah xisbul xaakimka, waxaana uu xusay in uu ka mid ahaa siyaasiyiintii bud dhiga u ahaa asaaskii xisbigaas illaa ururnimadiisii.
“Xisbiga Kulmiye muddo badan ayaan la shaqaynayay illaa ururnimadiisii, goob joog ayaan ahaa geedi socodkiisii siyaasadda xisbigaas maalin walba meel ayuu taagnaa,deegaanka aan ka soo jeedaanna waxa weeye meelaha saldhiga u ah xisbiga KULMIYE. waxaan u malaynayaa in aanay waxba iska bedalin taageeradii uu xisbiga Kulmiye ka haystay,”ayuu yidhi Mr. Kijaandhe.

Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in xisbiga Kulmiye waxba aanay u dhimayn isbahaysigii KULMIYE ee ku biiray xisbiga WADDANI.waxaannu yidhi, “Isbahaysiga KULMIYE ee ku biiray xisbiga WADDANI, waxa ka badan kuwa xisbiga KULMIYE ku soo laabtay.
Anigu madaxweyne ayaan u sharaxnaa, Cabdicasiis Samaale-na madaxweyne ayuu u sharraxnaa,markaa WADDANI waxa ku biiray Maxamed Biixi Yoonis oo qudha,laakiin laba murrashax iyo ninkii u sharraxnaa golaha dhexe xisbiga, KULMIYE ayaannu ku laabanay,markaa saddex meelood marka loo qeybiyo isbahaysigii KULMIYE, laba ka mid ahi xisbigoodii ayay ku noqdeen.”

“Cabdicasiis Samaale, waa odayaasha xisbiga KULMIYE, waana kii murrashaxa madaxweyne ee xisbiga isku sharraxay hankiisuna muu suurto-gelin, waanan ku taageersanahay in uu xisbigiisa ka sii mid ahaado. siyaasaduna maalinna way isla kaa rogaysaa, maalinna way kuu hagaagaysaa,xidhiidh wanaagsan ayaana naga dhaxeeya Cabdicasiis Samaale waana soo wada shaqaynay,”ayuu hadalkiisii ku soo xidhay Xildhibaan Axmed Cabdi-nuur Kijaandhe.