Xubnaha Golaha Dhexe Xisbiga WADDANI Ugu Jira Beesha Abokor Axmed Oo Kamid Ah Beelaha Habarjeclo, Oo Gargaar Raashin Ah Gaadhsiiyay Degaanada Abaartu Saamaysay Ee Beeshu

0
854
Xubnaha Golaha Dhexe Xisbiga WADDANI Ugu Jira Beesha Abokor Axmed Oo Kamid Ah Beelaha Habarjeclo, Oo Gargaar Raashin Ah Gaadhsiiyay Degaanada Abaartu Saamaysay Ee Beeshu (
Xubnaha Golaha Dhexe Xisbiga WADDANI Ugu Jira Beesha Abokor Axmed Oo Kamid Ah Beelaha Habarjeclo, Oo Gargaar Raashin Ah Gaadhsiiyay Degaanada Abaartu Saamaysay Ee Beeshu (

Xubnaha Golaha dhexe kaga jira Beesha Abokor, oo kamid ah beelaha Habarjeclo, ayaa rashin u qaybiyay degaanada Abaartu sida daran u saamaysay ee Beeshu degto.

Xubnaha Golaha dhexe kaga jira beesha Abokor Axmed Baaruud ee Xisbiga WADDANI oo kala ah, Cabdillaahi Axmed Dhuxul, (Abgaal) Muniir Axmed Cigaal iyo Maxamed Cabdi Yaasiin, waxay raashinka loogu tallo galay dadka abaaruhu saameeyeen ee degaankada Abokor ee ay raashinka u qaybiyeen ayaa kala ah, Afweyn, Ceel-dheere, Fool Istari, Gebo-gevo, Bali-bulaale iyo Magaalooyin kale.

Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI ugu jira beesha Abokor Axmed Baaruud, oo la hadlay dadweynihii ku dhaqnaa degaanadaas oo abaartu si daran u haleeshay ayaa illahay ka baryay inuu rabbi ka soo jabiyo abaarta, dawladdana waxay ugu baaqeen inay gurmad la soo gaadho degaanadaas.
Geestooda waxgaradka degaankaas oo uu hoggaaminaayo Caaqil Jaamac Badha-dha, ayaa uga mahad naqay Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI ugu jira beesha Abokor Axmed deeqda raashinka ah ee ay la soo gaadheen dadka degaanadaas oo abaartu saamayn xoogan ku yeelatay, iyagoo ugu baaqay inay ku daydaan dadka kale ee Siyaasadda ku jira ee ka soo jeeda Degaanadaas.