Waraysi Gaar Ah Oo La Yeeshay Wasiirkii Hore Ee Daakhiliga Cali Maxamed Warancade

0
1215
Waraysi Gaar Ah Oo La Yeeshay Wasiirkii Hore Ee Daakhiliga Cali Maxamed Warancade
Waraysi Gaar Ah Oo La Yeeshay Wasiirkii Hore Ee Daakhiliga Cali Maxamed Warancade

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, Md. Cali Maxamed Warancade, ayaa markii u horaysay cadeeyay inuu ku qanacsanyahay xilka wakiilka Itoobiya ee loo magacaabay oo aanu saddex bilood ka dib magacaabistiisii ka hawlgeln xafiiskii loo magacaabay.

Md. Warancade, oo waraysi gaar ah uu la yeeshay Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu meesha ka saaray wararka sheega inaanu Madaxweyne Siilaanyo talin. Waraysiga oo uu Cali Warancade sidoo kale kaga hadlay khilaafaadka xisbiyada qaar ka dhex oogan, wuxuu u dhacay sidan:

Xilkii Wasiirka Arrimaha Guddaha waa laga qaaday, oo waxa lagu magacaabay Wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya, waxaana soo baxaya warar sheegaya in aanad ku qanacsanayn xilkan wakiilnimo ee maxaa ka jira?

Safiirnimada aniga doortay, ee wali waan xaam-xaamanayaa.

Tan iyo intii aad ahayd Wasiirka Arrimaha Guddaha maxau kugu adkaa ee ku soo maray?

Wasaaraddani waa Wasaarad dalka aad iyo aad muhiim ugu ah,waa Wasaarad hawl badan, kolayna waxay ku jirtaa Wasaaraddaha ugu dhibka badan uguna masuuliyadda badan, ILLAAHAYNA wuu ii fudeeyey.

Waxa inta badan la yidhaahda Madaxweynuhu ma taliyo ee dad ku xeeran ayaa talada dalka gooya oo aan ahayn kuwii la doortay. Muddo dheer ayaad ahay wasiirada ugu dhow madaxweynaha. Arrintaas maxaa ka jira?

Hadaladaasi waa hadalo meel waayey, dalkani Madaxweyne ayuu leeyahay, isaga ayaana taliya, waana la yaqaanaa, Madaxweynuhu waa nin taariikh dheer leh haddii ay tahay  Somaliya iyo Somalilandba, waa nin halgamaa ah, maantana isagaa dalkan ka madax ah, waana dacayado iyo dad aan ILLAAHAY ka baqanaynin dadka hadaladaas leh, xitaa islaanimada ayey ku xun tahay in dadka aad been ka sheegto, dalkana waxa xukuma Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), oo Madaxweyne ka ah, wax dhib ahina ma jiro.

Xisbigii UCID, Faysal Cali Waraabena markii Saddexaad ayuu isku soo sharaxay Musharaxnimada Madaxweyne ee maxaad kula talin lahayd. Maxaadse ka odhanaysaa muranka mudada u dhexeeyay Faysal iyo Jamaal?

Axsaabtu waa hanti qaran oo aynu leenahay, Saddex Xisbi baynu leenahay, Saddexdaas Xisbina wax ka badan lama sameyn karo, maahana in Saddexda Xisbi had iyo jeer is haystaan, ee waa inay khilaafadkooda yareeyaan, waana in la isku haneeyo jagooyinka si aanay Xisbiyadu u burburin,waxaana Xisbiyada ugu baaqayaa inay dhexdooda ka heshiiyaan, oo khilaafkaadka iska saaraan.

Doorashadii Madaxtooyada bilo yar oo kooban ayaa inaga xiga, Xisbiyadiina loolan adag baa ka dhexeeya marka maxaad odhanaysaa?

Wakhti adag baa soo socda, Doorashooyin baa soo socda, Dabeylaha Siyaasada ee faraha badan ee soo socda in aanay dadku ka nixin ayaan ku talin lahaa oo cidna in aanay samaayn ku yeelanin, dadkuna iyagaa xaq u leh inay doortaan  cidii shanta sanno ee soo socda xukumaysa inay doortaan, kuna doortaan cida ay iyagu jecel yihiin si wanaagsan oo nabadgalyo ku jirto,oo qabyaalad, xumaan, Gobolaysi  iyo dhibaato midna aan lahayn inay ku doortaan qofka ay is leeyihiin wuu idin wadi karaa ayaa loo baahan yahay, runtii Shacabkani waa Shacab bisil, waana Shacab garanaya cida ay dooran lahaayeen iyo sida ay wax u dooran lahaayeen, cida u xiiraysa iyo cida u hoolaysana waa ay kala garanayaan.

Abaaro baahsan oo dad iyo duunyaba samaaysay ayaa dalka ka jirta markaas maxaad ku baaqi lahayd?

Abaaraha maanta jira waa abaaro khatara, waa abaaro dalka intiisa badan sameeyey, maalmo dhawayd waxaan soo maray  Gobolada Awdal iyo Gabiley, oo dadkii ka yimid Barriga fog, in halkaas gawaadhigi lagu keenay, oo ay runtii dadku u fasaxeen dhulkoogii, beerahoodii iyo bankii ay beerteen, oo si wanaagsana waa loo soo dhaweeyey, dadka reer Somaliland sidaas ayey isku og tahay oo haddii ay dhibaato qabsato sidaas ayey iskugu gurmanayaan, waxaana ILLAAHAY ka baryeynaa inuu abaartan inaga soo furto, waa abaar aad u adag, sida wax looga qaban karo marka loo eego wakhtiga hadhay waa arin aad u adag, ILLAAHAY ha inaga soo jabiyo, oo makhluuqiisa  ha u naxariisto, ta labaad dawladdu wey dadaalaysa, shacabkuna aad iyo aad buu u dadaalaya, dadaal xoog leh oo wax walba loo huro oo aynu ku tala galno, Caalamkana waxaynu ka codsanaynaa in abaartan ku dhacday dad iyo xoolaba in wixii deg deg ah ee mucaawimo ah ee ay nala soo gaadhi karaan inay nala soo gaadhaan, sida Wadamada aynu jaarka nahay sida Itoobiya, Imaraadka, Sucuudiga iyo waliba runtii dalalka kale ee aynu dariska nahay, iyadoo walibana loo baahan yahay wax ay xooluhu  cunaan, anigoo Dawladda Kililka Shanaad ugu mahadnaqaya in bari dhawayd ay inoo soo direen baabuur caws ah, maantana waa looga baahan yahay baabuurtii caws ka ahayd, si loo badbaadin karo wixii la badbaadin karo”.

Xigasho Geeska