Waa Indho Adayg Iyo Aqoondaro Inteeda Le’eg, Markay Uurcadde & Inna Jirde Yidhaahdeen Inna Muumin Seed & Faarax Dheere Xilkaanu Ka Qaadnay Oo Ah Hoggaankii Xisbiga WADDANI

0
985
Waa Indho Adayg Iyo Aqoondaro Inteeda Le’eg, Markay Uurcadde & Inna Jirde Yidhaahdeen Inna Muumin Seed & Faarax Dheere Xilkaanu Ka Qaadnay Oo Ah Hoggaankii Xisbiga WADDANI
Waa Indho Adayg Iyo Aqoondaro Inteeda Le’eg, Markay Uurcadde & Inna Jirde Yidhaahdeen Inna Muumin Seed & Faarax Dheere Xilkaanu Ka Qaadnay Oo Ah Hoggaankii Xisbiga WADDANI

Garabka Toosinta & Caddaallada Ee WADDANI Oo Jawaab Adag Ka Bixiyey Xil Ka-Qaadis Sharciga Baalmarsan Oo Garabka Cirro Hogaamiyo Soo Saaray

Garabka la baxay toosinta iyo caddaallada ee xibsiga WADDANI ayaa si adag uga Jawaabay Garabka uu Hoggaamiyo Musharrax Cirro ee sharciyaddii Xisbiga WADDANI Afduubka Ugu Haysta Oo sheegay, inay xilkii ay ka qaadeen, isla markaana xubinimadii xisbigana kala noqdeen guddoomiyaha 1aad iyo 2aad Axmed Muumin Seed iyo Faarax Dheere. Nuqul kamid ah qoraal xambaarsan jawaabta oo xalay Xoghayaha Guud ee Garabkan Eng. Daauud Abiib Axmed soo gaadhsiiyay xarunta wargeysa Hubaal ayaa u dhignaa sidan;

“Nin xil kumeel gaadh ah oon xil rasmiya haba yaraatee ka hayn xisbiga Waddani ayaa intuu meel isasoo taagay yidhi ‘xilkii baanu ka qaadnay guddoomiye ku-xigeenkii 1aad iyo 2aad ee xisbiga. Runtiina waa wax ay layaabeen dadkii uu hadalkiisu dhagaha ugu dhacay, sababtoo ah waxa jira sharci iyo qaanuun xisbiga u dhigan, qofkastaaba yaqaan inaan xataa haddii xil layska qaadayo aan hanaankan oo kale layskaga qaadin. Axmed Muumin Seed oo ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Waddani, sidoo kalena guddoomiye u ah garabka caddaalada iyo toosinta ee xisbiga Waddani iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Xildhibaan Faarax dheere, labadoodabu maaha dad amma xubno si fudud qofi intuu meel isasoo taago uu xilka uga qaado. Cabdiqaadir Jirde oo xisbiga looga magacaabay xil waraabe u taag ah, oo aan habayareetee sharcinimadiisu meelna ku sugnayn, ayaa Axmed Muumin Seed iyo Cabiqaadir Dheere yidhi xilkii baanu ka qaadnay. Waa su’aale Halkuu xilka ka xayuubin jiray?.

Waxaan u sheegayaa nimankan intay media-yaha yimaadeen leh, inna Muumin iyo Faarax dheere ayaanu xilkii ka qaadnay, horta Inna Muumin Seed yaydun u haystaan, ma xubin taageere ah baa?. Axmed Muumin Seed waa guddoomiye ku-xigeenka 1aad, Xildhibaan Faarax dheere-na waa guddoomiye xigeenka 2aad, waa Hoggaankii xisbiga Waddani, waa Donors-kii xisbiga, Garabka Toosinta caddaalada ah ee ay maanta hoggaaminayaana, waa meesha uu hogaankii xisbigu intoodii badnayd ku jiraan. Cirro Waa Musharraxa madaxweyne, iyo guddoomiyihii xisbiga, isaga oo keliya ayaa ka maqan garabkan Toosinta oo hoggaankii xisbigu ay intoodii badnayd ku dhan tahay. Markaa sharciyada aydun xil kaqaadista ku samayseen, ma jeebkaydun kala soo baxdeen. Waxaan leeyahay Xil. Cabdiqaadir Jirde iyo nika Uurcadde layidhaa ee Inna Cali waraabe hore ugu khasaaray, Sxb hadallada aan xikmadda lahayn sxb kala fadhiiso ummada. Afar qof xilka qaadis ma sameeyaan, haddii xilka laga qaadayona sharci buu xisbigu leeyahay oo dhigaya, loona marayaa xilka qaadistooda, waana Golaha dhexe ee xisbiga oo shirweyne ku doorta kuna ansixiya.

Waxaan idin leeyahay Saaxibayaal garabkayagan Toosinta soo raaca, Cabdiqaadir Jirdow nin weyn baad tahay oo sharaf iyo karaamo ku leh bulshadaada, caddaalad darradii la ogaa ee Ambassador ka dhacday haku sii jirin, xilka waraabe u taaga ah ee Cirro uu daaha kuu daba fadhiyo, ee uu qaldaanka ku yahay, sharcinimadiisu ma aha mid gaadhsiisan inaad waxaa ula timaad hoggaankii xisbiga kugu soo dhaweeyay ee aad ugu timide.

Guntii iyo gabigabadiina,  waxaan idiin sheegayaa innagu sharciga ayaynu isla tegi doonnaa oo aynu ku kala calaf qaadi doonaa garabkayguna sidaas ayuu ku shaqayn doonaa laakiin wax sharci darro ah idinka yeeli mayno”.