UN Oo Shirkadaha Isgaadhsiinta Ee Iska Leh ZAAD Iyo EVC PLUS Ku Eedeysay Inay Telefoonada Gacanta Ka Dhigteen Bangiyo Sharci Darro ah

0
2161

Warbixin Cusub oo QM soo Saartay oo Iftiimisay Halista Lacagaha Telefoonka gacanta la iskaga diraa ku Leeyihiin Soomaaliya.

Magacyadda Shirkadaha Isgaadhsiinta Soomaaliya ee QM shaacisay & Qorsheyaasha ay kula baxsadaan Cashuuraha.

Hargeysa(Sayruuq)-Baadhayaasha Qarramada Midoobay ayaa ku eedeeyay shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka qalalaasuhu hadheeyay ee Soomaaliya inay qaab sharci darro ah u isticmaalaan Telefoonada gacanta sidii adeegyadda bangiyadda oo kale. Waxa kale oo ay ku eedeeyeen inay shirkadahaasi dhegaha ka furaysteen inay bixiyaan xogtooda si loogu qaado ammaanka lagula soconayo lacagaha ay Mobile-ada ka diraan.

Warbixin cusub oo ay soo saareen kooxda Qaramada midoobay u qaabilsan kormeerka iyo la socoshada xayiraada iyo cuno qabataynta hubka ee saaran wadamada Soomaaliya iyo Eritrea (Eritrea and Somalia Monitoring Group), iyo sideed xubnood oo madax banaan ayaa sheegay in shirkadda Hormood ay haysato suuqa isgaadhsiinta Soomaaliya 45%, taasoo sheegata in ay saamiley ka yihiin dad ka badan 5000 qof.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in hab dhaqanka aan habboonayn ee shirkadaha isagaadhsiinta ay ka mid tahay habka xawaaladda lacagaha Telefoonada la isugu diro ee (Mobile Money Transfer) kaasi oo halis weyn ku ah nabadda iyo amaanka dalka Soomaaliya iyo wadamada kale ee mandaqada ku yaalba ayaa lagu yidhi warbixintaas.

Sida warbixintani ka soo xigatay ilo wareedyo kala duwan shirkadda Hormood lama laha dawladda Muqdisho wax iskaashi ah oo la xidhiidha wadaagida macluumaadka ku saabsan lacagaha la is dhaafsanayo. Iyadoo lagu eedeeyay in Ashabaab dhaqaalaha ay isticmaasho ay isugu gudbiso adeega EVC PLUS ee shirkada Horumood Telecom, iyo adeegyada kale ee sida kaas oo kale lacagta la isugu diro Telefoonada ee ay bixiyaan shirkadaha isgaadhsiinta ee ka jira maamul goboleedyada iyo qaybaha kala duwan ee dalka Soomaaliya u qaybsan yahay.

Xadiga lacagta ay Mobile-da ka Xawilaan:

Warbixintani waxa kale oo ay sheegtay in iyada oo shirkadaha Isgaadhsiintu sannadkii ay xawilaan lacag gaadhaysa 1 billion oo Doller, haddana aanay bixinin lacagtii cashuurta ugu waajibtay. Balse waxa ay shirkadahaasi Dawlada Soomaaliya cashuur ahaan u siiyaan lacag dhan 4,800,000 oo dollar oo keliya. Qadarkaas lacagta ee ay bixiyaana waxa uu ku salaysan yahay heshiis ay Shirkadda Hormood la gashay dawladda itaalka daran ee Soomaaliya sannadkii 2014, kaas oo sheegayey in Shirkadaha Isgaadhsiintu bixiyaan qiyaas lacageed oo go’an oo xiligaas dhammayd 400,000 oo dollar (Afar boqol oo kun oo dollar) bishiiba.

Maamulka Hormood ma soo celin telephone iyo email midna oo ay kaga jawaabayaan markii warbixintan eedaynta ah ay soo saartay Qaramada midoobay.

Warbixinta ayaa sheegtay in Hormood oo ah shirkadda ugu weyn isgaadhsiinta ay ka bilowday adeega xawilaadda lacagaha ee telefoonka koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya sannadkii 2009.

Sida la soo xigtay warbixinta, adeega loo yaqaan Zaad ayaan isna waafaqsanyan heerarka caalmiga ah ee xawilaadda lacagta oo ay ku jiraan xeerarka lacagaha la maydho.

Furashada Adeega ZAAD:

Sida laga soo xigtay baadheyaasha Qaramada Midoobay, waxa waa waajib in qofka furanaya account ah lacagta mobile (ZAAD) uu sidoo kale ku soo lifaaqo lambarka telefoonka oo ku diiwaan gashan magaciisa, iyo buuxinta foomka diiwaan-gelinta oo ay ku jiraan macluumaadka soo socda: ID, Magaca, iyo xubnaha qoyska ee damiin ka noqon kara. Laakiin Zaad waxay ka shaqaysay wax ka yar hal sano koonfurta iyo badhatmaha Somalia ka hor xidhitaankii shirkadda.

Shirkadda ayaa isla markiiba u bedelashay EVC PLUS-, iyagoo bixiyay adeeg la mid ah, laakiin sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay waxay ahayd mar dambe mana waafaqsana heerarka caalamiga ah ee is dhaafsiga lacagaha . EVC PLUS- wakhtigan xaadirka ah waa adeega lacagaha mobilka ee ugu caansan.

“Furitaanka account ayaa noqday mid ka sahlan sidii hore, waxaana laga yaabaa xataa in laguu sameeyo adigoo meel fog jooga , oo aan muuqaal ahaan u joogin lagaagama baahan sawir iyo warqada aqoonsiga. Qof kasta oo hadda si fudud ayuu ugu furan karaa account aqoonsi been ah,” ayay warbixintu caddaysay.

“Khataraha ammaanka laaluushka ay ku bixiso EVC-PLUs waa mid aad u sareeya. Nidaamkani sidoo kale wuxuu abuuraa fursadaha lacagta la maydho sida ay ku eedeeyeen baadhayaasha Qaramada Midoobay.

Si kastaba ha ahaatee, horumarka degdeg ah ee tignoolajiyadda Soomaaliya iyo helitaanka dad isticmaali kara ayaa sii kordhinaya maqnaanshaha wax telefoon ama Internet ah oo dawladdu gacantana ku hayso

Shirkadaha Isgaadhsiinta ee gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya waxa la furay sannadkii 1994.Saddexda shirkadood isgaadhsiinta ee wakhtigan ka hawlgala koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya malaha heshiis isku xidha kaasi oo u ogolaan inay dejiyaan qiimaha iyo weliba inay ballaadhiyaan helitaanka Network ay ku shaqaystaan.

Sicir Bararka ZAAD ku hayaan Shacabka Somaliland:

Dhinaca kale, shirkada Isgaadhsiinta Hormood waxa ay ka mid tahay dhawr shirkadood oo uu aasaasay ninka ganacsadaha ah ee lagu magacaabo Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale, kaasoo ah nin maalqabeen ah oo ka hodmay burburkii dawladii dhexe ee dalka Soomaaliya. Shirkadaha kala duwan ee uu Mr Jimcaale aasaasay isaga oo ka faa’iidaysanayey burburka iyo dawlad la’aantii ka jirtey Soomaaliya waxaa ka mid ah shirkadii Xawilaada lacagaha iyo Isgaadhsiinta ee BARAKAAT GROUP oo dawlada Maraykanku xayirtay , Shirkada SALAAMA BANK, sidoo kalena waxa uu saamiyo waaweyn ku leeyahay shirkadaha Isgaadhsiinta ee GOLIS TELECOM iyo TELESOM oo ka kala shaqeeya Somaliland iyo Puntland.

Golaha amaanka Qaramada Midoobay ayaa warbixin rasmi ah oo uu soo saaray sannadkii 2012-kii waxa uu Mr Axmed Nuur Jimcaale ku tilmaamay in uu ka tirsan yahay kooxaha islaamiga ah ee ka dagaalama wadanka qalalaasuhu hadheeyay ee Soomaaliya, gaar ahaan xarakada Al Shabaab iyo Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee hada meesha ka baxday, kuwaas oo warbixinta Golaha amaanku sheegtay in dhaqaale faro badan ku taageero. Taas awgeedna Golaha amaanku waxa uu xiligaas Mr Jimcaale ku soo rogay xayiraad dhinaca socdaalka ah, in kasta mar sii horeysay oo sannadkan ah la sheegay in xayiraadaas laga qaaday.

Dalka Somaliland oo ka mid ah wadamada tirada yar ee uu caalamka ka shaqeeyo adeegan loo yaqaano Mobile Money Transfer-ka ee lacagaha la isugu xawilo Telefoonada gacantu ayaa waxa ay adeegyadaasi ku keenaan sicir barar xad dhaaf ah iyo qiimo dhac baaxad weyn oo aafeeyeey lacagtii Qaranka. Maadaama koontaroolkii iyo maamulkii lacagtu uu gacanta u galay shirkadaha Isgaadhsiinta gaar ahaan labada shirkadood ee kala ah TELESOM ee iska leh adeega ZAADKA Iyo Shirkada SOMTEL ee iska leh adeega E-DAHAB. Iyada oo dhowaana labadaas shirkadood la wareegeen lacagtii adkayd ee dibedaha laga soo xawili jirey, lacagtaas oo markii hore iyadoo kaash ah dalka soo geli jirtey, haatanse ay shirkadahaasi dhigtaan wadamo dibeda ah, bedelkeediina ay dadkii loo soo diray siiyaan Lambaro digital ah. Arrintaasina waxa ay sababtay in dadweynihii danyarta ahaa sicir barar iyo sarif barar aan dhammaad lahayni ku habsadeen.

Xigasho Wargeyska Dawan