Madaxwayne Siilaanyo Oo Xaaladda Abaareed Darteed Safar Ugu Bixi Doono Gobollada Bariga Dalka

0
994
Madaxwayne Siilaanyo Oo Xaaladda Abaareed Darteed Safar Ugu Bixi Doono Gobollada Bariga Dalka
Madaxwayne Siilaanyo Oo Xaaladda Abaareed Darteed Safar Ugu Bixi Doono Gobollada Bariga Dalka

Gudaha Ka Akhri Cidda Madaxweynaha Safarkiisa Ku Wehelin Doonta Iyo Ajandaha Looga Gol-leeyahay

Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda safar xog-ogaal u noqosho iyo indho-indhayn iskugu jira ugu baxaan gobollada bariga dalka oo ay abaar laxaad lihi ka jirto.

Wararka soo gaadhay wargeyska Hubaal, ayaa sheegay inuu waftigan noqon doono mid aad u culus, isla-markaana hoggaanka xisbul-xaakimka KULMIYE ay qayb ka noqon doonaan safarkaas, iyada oo xukuumaddu waddo dhaqdhaqaaqyo ay bulshada abaartu taabatay ugu diyaarinayso wixii ay ula tegi lahayd.

Inkasta oo aanay madaxtooyadu war rasmi ah kasoo saarin safarka madaxweynaha, haddana wararka aanu hayno ayaa sheegaya inuu maalinta khamiista ee berri ah Hargeysa ka bixi doono waftigu, iyada oo lagu wado inuu socdaalkaasi intiisa badani ku koobnaan doono gobolka Togdheer oo deegaanadiisa hawdka ay kusoo qaxeen reer guuraa kasoo hayaamay gobollo kale.

Waftiga madaxweynaha, ayaa noqon doona waftigii ugu ballaadhnaa ee xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE isku jira ee gurmad ugu taga dadka gobollada bariga dalka ee abaaruhu dhibaatada u geysteen, waxana la filayaa in dadkaas la gaadhsiin doono mucaawimooyin kala duwan oo hor-dhac ah, isla-markaana wixii dambe ee qaranku u awoodo si joogto ah loogu geyn doono.

Gobollada bariga dalka waxa ka taagan abaar laxaad leh oo dad iyo duunyoba dhibaato ba’an ku haysa, waxana uu madaxweynuhu horeba ugu dhawaaqay xaalad abaareed oo ba’an, iyada oo golayaasha kala duwan ee xukuumaddu horeba ugu dhawaaqeen qadarro lacago ah oo ay ugu talo galeen inay dadka abaaraysan ku caawiyaan.