Kulan Lagu Falan-qeynayo Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ka Furmaya Brussels

0
943
Kulan Lagu Falan-qeynayo Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ka Furmaya Brussels
Kulan Lagu Falan-qeynayo Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ka Furmaya Brussels

Baarlamaanka Yurub, ayaa qabanaya kulan lagaga hadlayo aqoonsiga Somaliland, oo ay ka hadli doonaan khubarro ka kala socota caalamka.Kulankan oo soo qaban-qaabiyeen koox lagu magacaabo isku-dhafka iyo islaaxiyiinta Yurub (ECR) oo ka tirsan baarlamaanka Yurub, laguna qaban doono xaruntooda Brussels maanta oo Arbaca ah ayay ka qaybgali doonaan madax ka tirsan Somaliland.

Nirj Deva, oo ah afhayeenka ECR ah ayaa sheegay inay qaban doonaan kulan lagaga hadlayo aqoonsiga Somaliland, oo ay ka hadli doonaan xildhibaan Charles Tannock, afhayeenka Arrimaha Dibedda ee kooxdan, isla markaan si weyn u taageera qaddiyada madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankankan waxa khudbad ka jeedin doona Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr. Sacad Cali Shire iyo Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo sidoo kale kaaliyahii hore xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Sir Desmond De Silva.

Kooxdan isku-dhafka iyo islaaxiyiinta Yurub (ECR) ee ka tirsan baarlamaanka Yurub ayey xubno ka yihiin dalal badan oo ka tirsan qaarada Yurub, kana mid yihiin Ingiriiska, Polish, German, Denmark, Finland iyo Latvia. Kulankan oo qayb ka ah hawlaha dadar-gelinta qaddiyada madax-banaanida Somaliland ee ay wadaan wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Guddiga heer qaran ee Ictiraaf-raadinta Somaliland ee dhowaan Madaxweynaha JSL, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo magacaabay, ayaa la saadaalinayaa inay wax weyn ka tarto horumarinta qadiyadda madaxbanaanida Somaliland iyo inay shacabka Somaliland ka helaan beesha caalamka xuquuqdooda aayo ka tashiga ah ee ay ku go’aansadeen masiirkooda.

XIGASHO:Wargeyska DAWAN