Wefti Uu Hoggaaminaayo Murrashax Cabdiraxmaan Cirro Oo Gar-gaar Gaadhsiiyey Deegaanada Ay Abaartu Sida Xun U Saamaysay + Sawiirro

0
1056
Wefti Uu Hoggaaminaayo Murrashax Cabdiraxmaan Cirro Oo Gar-gaar Gaadhsiiyey Deegaanada Ay Abaartu Sida Xun U Saamaysay + Sawiirro
Wefti Uu Hoggaaminaayo Murrashax Cabdiraxmaan Cirro Oo Gar-gaar Gaadhsiiyey Deegaanada Ay Abaartu Sida Xun U Saamaysay + Sawiirro

Weftigii uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo magaalada Burco u joogay ka qeyb-qaadashada Gurmadka abaaraha ee deegaanada bariga Somaliland, ayaa shalay subax, maalin iyo habeen ba socdaal ugu jiray siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen gurmadka abaarahaasi, waxaana ay gargaar de-dag ah oo cuntooyinka fudud ah sida Timir, Roodhi, Sabaayad, Kalluun iyo Biyo Mooya-saxooyin ba ay gaadhsiiyeen dadka ku nool deegaanada ay baartu sida xun u saamaysay oo ku teedsanaa deegaano tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Qoryaale, War-cimraan, Shansha-cadde, Balli-calanle, Qorlugud, Coodanle,Balli-dhiig, Dhoqoshay,Bilcinle, Cali Ciise, Harada-gubadaxil,Duruqsi iyo dhammaan ba tuulooyinka iyo magaalooyinka ku teedsan jiidahaasi, ku waasi oon baad iyo biyo toona haysanin.

Weftigan, waxa guddoomiye Cirro ku wehelinaayey hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, siyaasi Cabdi Haybe, Suldaan Daakir, Cali Cantar, xubno ka tirsan hoggaanada, guddida fulinta, garabka haween iyo mas’uuliyiin kale, waxaana deegaanada weftigu uu gargaarka deg-dag ah gaadhsiiyey oo magaalada Burco ka xigay dhanka Koonfur bari iyo Hawdka sare ee gobalka Togdheer, ay xaaladdooda abaareed ahayd mid aad u adag isla mar ahaantaana saamaysay guud ahaan noloshii dadkaasi, waxaana dhibbaatada ugu badan ee ay ka cabanayeen ay ahayd biyo la’aan iyo weli ba in aan Xukuumad, Shacab iyo Ganacsato toona aan illaa hada la soo gaadhsiinin wax gargaar ah, iyada oo indhahayagu ay soo qabteen reero tira badan oo meelihii ay baadka uga soo doonteen dib uga hayaamaya biyo la’aan darteed, bakhtiga xoolahii ay abaartu heshay oo waddooyinka teedsanaa iyo weli ba sida oo kale dad tira badan oo waddooyinka gaadiidka u tubnaa filasho Illaahay ay kaga dalbayeen in uu Raxmaadkiisa u soo shubo iyo gargaarka yar ee ku jira walaalahooda gacanta bani Aadam.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigiisuba, waxa gargaarkii ay sideen ay u la gurmanayayeen dadka abaarahu saameeyey iyaga oo lug iyo gaadhi ba ugu geynaayey had ba meeshii ay ishoodu ka qabato iyo tilmaan ba in ay ku sugan yihiin dad u dhibbaateysan abaarta soo gaadhay, halka ay dadkaasina ku qaabilayeen farxad xooga oon la cabiri karin maadaama aan illaa hada hore u soo gaadhin wax gargaar ahi, waxaana dadka deegaanadan ku noolaa ay iskaga soo kala hayaameen deegaano ka tirsan goballada Saraar, Saaxil iyo Maroodi-jeex, ku waasi oo halkan u soo raadsaday baad iyo biyo, balse aan ka helin biyo iyo baad toona isla mar ahaantaana ay kaamam ugu jiraan dhbbaataada Abaarahu ku yeesheen awgeed kuna sugayaan gar-gaar Banni-Aadam iyo mid Eebe.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ka hadlay ujeedka socdaalkooda isla mar ahaantanaa faah faahiyey waxyaabaha ay indhahooda ku soo arkeen, ayaa waxa uu yidhi

“Maanta(Shalay), maaha maalin Xisbi, maaha maalin olole, maaha maalin Mucaarad iyo Muxaafad e’ waa maalin qaran oo aanu gurmad ugu fidinayno walaalahayaga dhibbaataysan ee abaarahu saameeyeen, waa maalin aanu ugu tallo-galnay in aanu xanuunka iyo dhibbaatada abaarta aanu la qeybsano dadka abaarahu saameeyeen ee deegaanada. Runtii waxa aanu indhahayaga ku soo aragnay abaar aad u daran oo dad iyo duunyo ba saamaysay oo iskaga soo kala hayaamay goballada Saraar, Saaxil iyo weli ba Meelo ka mid ah Maroodi-jeex,

waxyaabaha ugu sii darana waxa weeye biyo la’aan ay dadkii la il daran yihiin iyo wax gar-gaara oon illaa hada soo gaadhin, bakhtiga Xoolaha oo waddooyinka aanu ku dhaafaynay iyo wel ba dadkii oo waddooyinka u tubnaa in gargaar la soo gaadhsiiyo. Annagu wixii aanu ka Xisbi ahaan ugu deeqnay Abaaraha sida aad Warbaahinta kala socotee, waxa aanu ku wareejinay guddida heer Qaran ee abaaraha oo Qaranku u igmaday, maanta na waxa aanu halkan la maraynay oo aanu wadnay bal in aanu gar-gaar deg-dag ah oo xagga cuntooyinka fudud ah aanu gaadhsiino dadka abaarahu saameeyeen, waxaana aanu u sidnay Roodhi, Kalluun, Sabaayad iyo Biyo-Mooye-saxooyin, marka waxa aanu Alle ka baryeynaa in uu dadkiisa uu soo waraabiyo Raxmaadkiisa.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI iyo mas’uuliyiin kale oo tira badan oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda iyag na si weyn uga dayriyey xaaladda abaareed ee ka jirta deeganaddaasi, waxaana ay ugu baaqeen Xukuumad, Shacab iyo Ganacsato ba in ay gargaar deg-dag ah la soo gaadhsiiyo dadka ku nool deegaanadan oo ay sheegeen in ay xaaladdooda abaareed ay aad u adag tahay.

Qaar ka mid ah dadkii Abaarahu saameeyeen oo iyagu na dhankooda la hadlay weftiga WADDANI, ayaa uga mahadceliyey gargaarka deg-daga ah ee ay u soo fidiyeen, waxaana ay sheegeen in gargaarkaasi uu yahay kii ugu horreeyey ee illaa hada la soo gaadhsiiyo dawlad iyo shacabba isla mar ahaantaana ay xaaladdooda nololeed ay aad u dag tahay, iyaga oo xusay in abaartani ay saamaysay dad iyo duunya ba oo dadkii na ay khatar ugu jiraan in ay u dhintaan biyo iyo cunto la’aan, halka xoolahii na ay beryhan ba ugu bakh-bakhtiyayeen baad iyo biyo la’aan.

2-73-75-517252628293132333435363738394142cirrowaddani-abaarahahwaddanixixirsi-calixirsi-vs-cirroxirsi