“Jamaal Maxkamadihii Way Ka Dhammaadeene Hadduu Doonayo Ta Heeg [Hague] Ha I Geeyo…..”

0
850

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ahna murrashaxa xisbigaas Md.Faysal Cali-waraabe, ayaa markale ka hadlay sawaxanka uu weli xisbiga la daba socdo Jamaal Cali Xuseen ooh ore xisbigaas murrashax uga ahaa, balse dhawaan la laalay heshiiskii uu xisbiga la galay.

Guddoomiye Faysal, ayaa waraysi uu bixiyey waxa uu ku sheegay inay dhammaadeen dhammaanba dacwadihii uu Jamaal xisbiga UCID la daba socday, isla-markaana aanu dhib u arkayn haddii uu dacwadihiisa gaadhsiiyo heer caalami, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Jamaal marna murrashax muu ahayn, anigaana murrashax la iga dhigay, maxkamadihii Somaliland-na way ka dhammaadeene hadduu doonayo ta Hague (Heeg) ha I geeyo.”

Waxa uu guddoomiyuhu khilaafka xisbigiisa ku jirey ku eedeeyey dhiggiisa WADDANI oo xusay inay dagaal gaar ah ku hayaan,“Khilaafka UCID, WADDANI baa waday, iyagaana doonayey in Faysal laga takhaluso oo Ciidagale Garxajis noqdo, Jamaal-na aniga oo aan shirka qaban ayuu tolkii u tegay oo yidhi murrashaxnimadii waan ka tanaasulayaa”ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.