Golaha Wakiillada Oo Ku Dhawaaqay Qaadhaan Ay Si Joogto ah U Siin Doonaan Dadka Abaaaruhu Saameeyeen

0
859
Golaha Wakiillada Oo Ku Dhawaaqay Qaadhaan Ay Si Joogto ah U Siin Doonaan Dadka Abaaaruhu Saameeyeen
Golaha Wakiillada Oo Ku Dhawaaqay Qaadhaan Ay Si Joogto ah U Siin Doonaan Dadka Abaaaruhu Saameeyeen

Golaha wakiillada Somaliland, ayaa shaaciyey qaddarka lacago ay ugu talo galeen inay kaga qayb qaataan taakulada abaaraha gobollada bariga dalka inay kaga qayb qaadan doonaan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golahaas Md. Baashe Maxamed Faarax oo warbaahinta la hadlay, ayaa xusay inay mudanayaasha wakiilladu go’aan ku gaadheen inay muddo saddex bilood ah si joogto ah mushaharkooda lacag uga gooyaan, taas oo haddii abaartu soo afmarmi weydo sii socon doonta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Xildhibaannadu waxa ay isla garteen in saddexda bilood ee soo socda ay abaaraha ugu deeqaan 500,000,000(shan boqol oo milyan), haddii raxmaad da’o saddexdaas bilood waa naga bixis, haddii roobabku di’I waayaana lacagtaasi way soconaysaa ilaa inta roobku da’ayo.”

Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray,“Xildhibaan walba labaatan qof baa kusoo qaxay oo gurmadka qof qof bay ugu jiraan, waana ka qayb qaadanayaan oo biyo dhaamis bay ku wada jiraan.”

Waxa uu Baashe Maxamed Faarax tilmaamay inay gole ahaan kaalmadooda sii wadi doonaan markasta oo loo baahdo, isla-markaana hay’adaha kale ee qaranka ku daba geli doonaan taakulada dadkaas loo wado,“Hay’adaha arrintan ku shaqada leh waanu ku daba gelaynaa wixii kale ee taakulo lanooga baahdana diyaar baanu la nahay” ayuu yidhi guddoomiyuhu.