Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa sheegay in gabi ahaanba xilkii gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi laga qaaday Axmed Muumin Seed oo xilkaas hayay intii uu jirayba xisbiga Waddani,

Shir jaraaid oo ay Maanta ku qabteen Xafiiskooda ayay sidaasi ku sheegeen waxa kale oo isna xilkii gudoomiye ku xigeenka labaad laga qaaday Xildhibaan faarax Dheere oo ahaa gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Xisbiga Waddani.

Kulan ay gudida fulinta ee Xisbigu yeesheen ayaa waxa lahu sheegayin labadaasi masuul xilka laga qaaday ka dib markii ay jabiyeen xeerarka xisbiga Waddani.

Sidaasi waxa warbaahinta u sheegay gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani iyo sidoo kale masuuliyiinta sar sare ee xisbiga Waddani.

Dhinaca kale, waxa isla saacado gudahood jawaab ka bixiyay, guddoomiye ku-xigeenka 1aad, sidoo kalena ah Guddoomiyaha Garabka Toosinta Ee Xisbiga Waddani,Axmed Muumin Seed.

Daawo shirka jaraa’id ee Axmed Muumin Seed kaga jawaabay