Aadan Dhoolla-yare Oo Adeerkii Ka Difaacay Fallaadho Fadeexad Ku Noqday Geedigiisa Siyaasadeed Iyo Mabda’a Taariikhda U Galay

0
895
Aadan Dhoolla-yare Oo Adeerkii Ka Difaacay Fallaadho Fadeexad Ku Noqday Geedigiisa Siyaasadeed Iyo Mabda’a Taariikhda U Galay
Aadan Dhoolla-yare Oo Adeerkii Ka Difaacay Fallaadho Fadeexad Ku Noqday Geedigiisa Siyaasadeed Iyo Mabda’a Taariikhda U Galay

Aadan Axmed Dhoollayare Waxaa Uu Sidoo Kale Ka Hadlay Dhaliillo Lagu Xanto Xisbiga uu Dhawaan Ku Biiray 

Wasiirkii hore ee xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale u qaabilsanaa  wasaaradda Beeraha Md. Aadan Axmed Cilmi(dhoola-yare)haatanna katirsan saraakiisha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa si adag uga gilgishay fallaadh mabda’a Soomaaliweynimada salka ku haysa eek u qotonta  xisbigaas, waxana uu sheegay inay xisbi ahaan arrintaas cabasho weyn ka qabaan. Aadan Dhoolla-yare oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay xisbi ahaan dacwad ka dhan ah shaambadda Soomaaliweynimada ee muddooyinkan dambe daba socotay u gudbinayaan maxkamadda sare iyo weliba guddida anshaxa, isagoo dhinaca kalena si adag u difaacay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliya Mudane Ismaaciil Hurre Buubaa oo haatan xisbigooda ka tirsan, “adduunka wax aka jira kelmado ay mamnuuc tahay in la adeegsadaa, kuwaas oo ay kamid tahay in qofka diintiisa ama midabkiisa wax laga sheego, guddoomiyaha maxkamadda iyo guddida sharciguna waxanu doonaynaa inay sharci kasoo saaraan sababta keentay in Ismaaciil Hurre Buubaa iyo Sifir ninna la yidhaahdo waa federal, ninna uu Somaliland xil ka qabto, arrintaas dacwad baanu ka qabnaa” ayuu yidhi Aadan Dhoolla-yare.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xukuumadda ka codsaday inay soo caddayso dembiyada ay ku haysato siyaasii Ismaaciil Hurre Buubaa, waxana uu yidhi,“Xukuumaddu haddii ay dembi ku hayso Ismaaciil Buubaa ha sheegto waa muwaadin oo magaalada ayuu joogaa, mabda’iisana wuu caddeeyey oo nin Somaliland ah, marka ay sheegayaan Soomaaliweynna isagu federal buu sheegay, mabda’ baanay ahayd.”

Aadan Dhoolla-yare waxa uu ka hadlay eedaha dadka qaarkii qabaan ee sheegaya inuu xisbiga WADDANI yahay xisbi reer gaar ah u dhaansan, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay markii hore taasi run ahayd, balse haatan uu ballaadhay,“Haddii uu xisbiga WADDANI markii hore reero ahaa maanta waa xisbi qaran, haanina gun bay ka tolantaa” ayuu yidhi Aadan Axmed Cilmi Dhoollayare.