Jamaal Waxa Uu I Siiyey Suryadii Aan Ka Bixi Lahaa, Aniguna Hal Cod Baan Leeyahay Oo Qarin Maayo Ee Waxaan Siinayaa

0
933
Jamaal Waxa Uu I Siiyey Suryadii Aan Ka Bixi Lahaa, Aniguna Hal Cod Baan Leeyahay Oo Qarin Maayo Ee Waxaan Siinayaa
Jamaal Waxa Uu I Siiyey Suryadii Aan Ka Bixi Lahaa, Aniguna Hal Cod Baan Leeyahay Oo Qarin Maayo Ee Waxaan Siinayaa

Siyaasi Cali-gurey Oo Lingaxa Ka Furay   Gebi Dhaclaynta Siyaasadda & Cidda Uu Codkiisa Siin Doono

Guddoomiye ku-xigeenkii saddexaad ee hore ee xisbiga UCID, Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali- gurey),ayaa markale ka hadlay xaaladda aan degenayn ee uu ku jiro murrashaxii hore ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, waxana uu tilmaamay inaanu jirin qof isku-day keli ah guul ku gaadhi karaa.

Cali-gurey oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa hoosta ka xarriiqay inaanu Jamaal u muuqanin nin kasoo laabanaya xanuunka guuldarrada siyaasadeed ee usoo hoyatay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Galladdu kuma jirto inaanad mar qudha kufin, laakiin galladdu waxa ay ku jirtaa marka aad kufto inaan kici karto, waxan aad uga xumahay Jamaal wuu kufay laakiin sida ay u muuqato nin soo kacaya ma aha.”

Waxa uu Cali-gurey intaas ku daray inuu qiimaha Jamaal Cali Xuseen maalin walba halkii uu taagnaa hoos uga sii socdo oo aanu marnaba wax kor u kac ah samaynaynin, “Jamaal waa nin dhallinyaro ah oo da’ yar, haddii maalinta aad kufto aad dhulka galgalato waxa ay noqonaysaa inaad maalin walba qiimahaagu hoos u sii socda,a dduunyadun maanta oo qudha ma ah, xataa haddii aad aargoosanayso dee maalintaadaa la sugaa” ayuu yidhi Cali-gurey.

Cali-gurey waxa uu xusay in xubin uu Jamaal Cali Xuseen ku aaminay mawqifkii qarsoodig ahaa ee uu murrshaxnimadiisa kaga tanaasulay, isla-markaana ka talo geliyey uu ka qayb galay shirkii uu Faysal Cali-waraabe Hargeysa ku qabsaday, isagana aanu arrintaas taladeeda waxba ka weydiin, waxana uu yidhi,

“Jamaal markii ay Muuse Biixi la kulmeen ninkii la socday ee markii uu ii imanayey la socday ee uu aaminay shirkii Faysal qabsaday buu joogay, anigana saddex toddobaad oo uu hawshaas ku jirey marna iima uu soo sheegin, sidaa uu isagu sheegay anna aan idiin sheegayo ayey u wada hadleen wax kasoo noqonayeyna may jirin”

Cali Maxamed Yuusuf waxa uu markii ugu horraysay shaaca ka qaaday inuu codkiisa si buuxda u siin doono murrashaxa xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi “Jamaal waxa uu I siiyey  suryadii aan ka bixi lahaa, aniguna hal cod baan leeyahay oo codkayga Muuse Biixi baan siinayaa qarin maayo,sababta aan u taageerayaana qabyaalad ma ahee horto qolada Xamar ku dari maayo”ayuu yidhi Cali-gurey.