Cabdiraxmaan_Cirro Iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Iska Laab-xaadhay Mad-madow Siyaasadeed Oo Soo Kala Dhex Galay

0
951
Cabdiraxmaan-Cirro Iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Iska Laab-xaadhay Mad-madow Siyaasadeed Oo Soo Kala Dhex Galay
Cabdiraxmaan-Cirro Iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Iska Laab-xaadhay Mad-madow Siyaasadeed Oo Soo Kala Dhex Galay

Hargeysa(Geeska)-Guddi odayaal ah oo is xilqaamay ayaa dhammeeyay mad-madow soo kala dhex galay murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro iyo xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu culus xisbigaas

Ilo xogogaala ayaa wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in guddigan is xilqaantay oo ah odayaal aan siyaasadda ku dhex jirin oo ka soo kicitimay magaalada Burco ay ku guulaysteen inay isu calool xaadhaan labada siyaasi ee Cirro iyo Siciid oo dhawrkii bilood ee u dambeeyay aanu xidhiidhkooda siyaasadeed wanaagsanayn. Wada hadal dhawr maalmood loogu kala dab qaadayay ka dib, waxa uu warku sheegay in guddigani aakhirkii ay Khamiistii doraad ku guulaysatay inay is horfadhiiso Cirro iyo Siciid oo ugu dambayn iska xaal mariyay waxyaabaha keenay kala duruga siyaasadeed islamarkaana si rasmi ah isu calool xaadhay.

Warku wuxuu intaas ku daray in Cirro iyo Siciid ay ku heshiiyeen inay dib u cusboonaysiiyaan wada shaqayntoodii iyo dedaalkii uu xildhibaan Siciid ugu jiray in Cirro iyo xisbiga Waddani qabtaan talada dalka Somaliland kuna guulaystaan doorashada 2017.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa dhawaan dhaliilay xisbiga Waddani oo uu muddo ka tirsanaa, waxaanu sidoo kale si adag uga horyimid siyaasiyiinta isbahaysiga ee ka soo digo-rogtay xisbiga KULMIYE kuna biiray Waddani.

Inkastoo aanu Siciid Cilmi Rooble wakhtigaas sheegin inuu ka baxay xisbiga Waddani, balse haddana dhaliisha uu u soo jeediyay xisbigiisii ayay dad badan oo siyaasadda la socdaa u arkeen halis xisbiga Waddani soo waajahday oo keeni karta in xildhibaanku si yar uga wareego xisbigii uu mudada dhawrka sannadood ah soo dhisayay.

Hase yeeshee guddigan is xilqaantay ayaa soo gebagebeeyay kala aragti duwanaanshihii siyaasadeed ee soo kala dhex galay xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo murashaxa madaxweyne ee xisbigaas Waddani Md. Cabdiraxmaan-Cirro.