Xisbiga KULMIYE oo Ku Dhawaaqay Joojinta Xafladaha iyo Munaasibadaha Waaweyn Xilliga Gurmadka Abaaraha Bariga Somaliland

0
933
Xisbiga KULMIYE oo Ku Dhawaaqay Joojinta Xafladaha iyo Munaasibadaha Waaweyn Xilliga Gurmadka Abaaraha Bariga Somaliland

Xisbiga KULMIYE oo Ku Dhawaaqay Joojinta Xafladaha iyo Munaasibadaha Waaweyn Xilliga Gurmadka Abaaraha Bariga Somaliland.

Guud ahaan waxaan salaamayaa dhamaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan waxaan salaamayaa taageerayaasha iyo bahweynta xisbiga KULMIYE, waxaan u ducaynayaa dhamaan xoola dhaqatada iyo deegaamada abaartu hayso ee goballada bariga Jamhuuriyadda Soomaaliland, waxaannan Ilaahay ka barayayaa inuu abaarta innaga ka jebiyo oo raxmaad caam ah ina siiyo.

Intaa kadib, waxaan shacabka iyo taageerayaasha KULMIYE la socodsiinayaa:
b) Si loola wadaago xannuunka iyo dhibka dadka abaartu hayso;
t) Si madaxda iyo hawladeennada xisbiga KULMIYE u helaan waqti ay kaga qaybgalaan gurmadka degdega ah ee abaarta.

Waxa uu hoggaanka xisbiga KULMIYE go’aansaday joojinta xafladihii waawaynaa ee lagu muujinayey taageerada xisbiga iyo munaasabadaha kale ee xisbigu ku qabsan lahaa huteellada iyo fagaarayaasha magaalooyinka muddada lagu jiro gurmadka abaarta.

Keliya kulamada, shirarka iyo munaasibadaha xisbigu waxay ku ekaan doonaan xayn-daabka iyo qolalka shirarka ee xafiisyada xisbiga.

Waxa dhammaan xafiisyada gobollada iyo degmooyinka iyo laamaha dibadda lagu wargelinayaa inay si buuxda u fuliyaan, una dhaqangaliyaan go’aankan.

Waxaan mar labaad Ilaahay ka baryayaa inuu abaarta innaga jebiyo oo deeqdiisa ballaadhan uu innaga waraabiyo.

ALLAA MAHAD LEH.
Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
___________________________
Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE
Email: kulmiyemanager@gmail.com
Telephone: +25263 4026659, +25263 4426677,
Sha’ab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.