Somaliland: Guddida Diiwaangelinta Iyo Ansixinta Axsaabta Oo Meel Cad Iska Taagay Shirweynihii Feysal Cali Waraabe Loogu Caleemo Saaray Musharraxnimada

0
803

“Maxkamaddu Waxay Awooddii Shirweynaha Gacanta U Gelisay Hoggaanka, Kaas Uu Hoggaanku Qabtay Baana Sharci Ah Ee Laba Shirna Ma Jiraan”

Guddida diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka, ayaa si cad u sheegay inuu sharciga waafaqsan yahay shirweynaha aan caadiga ahayn ee magaalada Hargeysa ugu soo gebo geboobay garabka uu hoggaamiyo Faysal Cali-waraabe, kaas oo ay hore u diideen garabka kale uu hogaamiyaha u yahay Jamaal Cali Xuseen.

Shir jaraa’id oo ay guddidu maalintii shalay xafiiskeeda ku qabatay, ayey ku sheegeen inuu shirkaasi waafaqsan yahay go’aankii ay maxkamadda sare kaga garnaqday dhinacyada xisbiga UCID ee khilaafku ka dhexeeyo, isla-markaana ay guddi ahaan u arkaan mid xalaal ah.

Guddoomiyaha guddida diiwaangelinta Mr. Cabdirisaaq Ciyaalle oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ““Waxaanu maanta doonaynaa inaanu halkan kaga hadalno gunaanadka arrintii xisbiga UCID ee khilaafkeedu muddoba soo jiitamayay. Waxaanu idiin sheegaynaa in halkan dacwadi noogu timid qaraarna aanu ka gaadhnay, qaraarkiina racfaan ay garab ka qaateen oo ay maxakamaduna go’aan kama dambays ah ka soo saartay. Sidaas darteed waxaanu ummada u cadaynaynaa in uu arrinkaasi soo gebogaboobay, tafaasiisheedana waxaa idin siin doona afhayeenka guddida diiwaangelinta ururrada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka”. Sidaas ayuu yidhi guddoomiyeha guddida diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabtu Md Cabdirisaaq Jaamac Ciyaalle. Dhinaca kale afhayeenka guddidaas Xasan Axmed ducaalle (Macalin) ayaa warbaahinta la hadlay faahfaahiyeyna goaankooda. Waxaanu sheegay in  shirka ay qabsadeen garabka xisbiga UCID katirsan ee ay qabsadeen kooxda Faysal Cali-waraabe guddoomiyaha u yahay, uu sharciga waafsan yahay, waxana uu yidhi“maxkamaddu waxa ay awooddii shirweynaha aan caadiga ahayn gacanta u gelisay hoggaanka, Kaas uu hoggaanku qabtay uun baana sax ah oo sharci ah, laba shirna ma jiraan ee waa hal shir uun waana ka xubnaha uu Faysal kamid yahay oo uu guddoomiye u yahay qabteen.” Ayuu yidhi afhayeenku, waxaanu intaa ku daray mar uu ka hadlayay sharcinimada hoggaanka xisbiga UCID, “Hoggaamada waxaa had iyo jeer lagu doortaa shirweyne yaasha, markaa Shirweynihii u dembeeyey ee UCID Qabsaday hoggaankii lagu doortay uun baa sax ah oo sharci ah. [laakiin] Md. Cali Gurey oo kale xilkiisu waxaa uu ku jiray heshiiskii ay labada garab wada galeen, Maxakamadduna way nagu raacday qaraarkii aanu soo saarnay waxase lagu ansixinayay shirkan”.

Shirka uu qabsaday garabka uu hoggaamiyo Faysal Cali-waraabe, ayaa maalintii shalay ahayd lasoo afmeeray, waxana halkaas lagu doortay murrashaxa xisbiga iyo weliba hoggaanka saree e uu xisbigaasi yeelan doono, iyada oo guddoomiye Faysal loo codeeyey inuu doorashooyinka soo socda ee madaxtinimada xisbiga uga qaygalo.

Dhinaca kalena garabka uu hoggaamiye Jamaal Cali Xuseen, ayaa iyagu shirkaas dibadda ka joogay, waxana ay eedo kulul u jeediyeen xukuumadda oo ay tilmaameen inay ka hor istaagtay shir kale oo ay qoondaysteen inay Huteel Maansoor ku qabsadaan.