Khilaafkii UCID Oo Waji Kale U Gudbay, Heshiiskii Murashaxnimada Jamaal Oo La Laalay, Faysal Oo Guddoomiye-nimadii Laga Qaaday Iyo Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI Oo La Kala Saftay

0
991

“Faysal Iska Amaani Maaynee Wuxuu Ka Soo Shaqeeyey Nabadayntii Dalka” Xisbiga KULMIYE

“Umadda Somaliland Waxaanu Ku Guubaabinaynaa Inay Codkooda Jamaal Siiyaan” Xisbiga WADDANI

Khilaafkii Xisbiga UCID ayaa u gudbay waji kale iyo xaalad aan la saadaalin karin kadib markii ay labada garab laba shirwayne oo aan caadi ahayn ku kala qabsadeen magaalada Hargeysa maalintii shalay.

Ugu horayn garabka uu hogaamiyo guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Xuseen ayaa shirwayne aan caadi ahayn ku qabsaday Hotel Adams INN, waxaanay shirkaas kaga dhawaaqeen in gabi ahaanba la laalay heshiiskii uu xisbigu la galay garabkii ka soo baxay xisbigii UDUB ee uu Jamaal Cali Xuseen hogaaminayay.

Shirkan aan caadiga ahayn ee garabka Faysal qabsaday ayaa waxa ka soo qaybgalay marti sharaf uu ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye Maxamed Kaahin, wallow aanay ka soo qaybgalin guddida diiwaangelinta oo iyagu labada shir ee ay kala qabsanayaan ku amray inay joojiyaan wallow aanay labadda qoloba aanay u hogaansamin.

Shirkaas ayaa waxa laga soo saaray 5 qodob oo ay dhammaan xubnihii golaha dhexe iyo ergadii gacanta u taageen, waxaanay shantaasi qodob kala ahaayeen:

1: Shirwaynuhu Wuxuu laalay, heshiiskii qabyada ahaa ee Garabkii Xisbiga UDUB uu la galay Xisbiga UCID, Taariikhdu markay ahayd, 12/7/2012 .

2: Waxaa lagu ansixiyay, wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyay Xeerka Xisbiga UCID .

3 : Shirwaynuhu wuxuu go’aamiyay in dib loo dhigo Shirwaynihii Afraad Ee Xisbiga UCID, kaas oo ku muddaysnaa In la qabto Bisha January 2017, Waxaana shirwaynuhu go’aamiyay in Muddo hal sanno ah, dib loo dhigo, oo qabsoomi doonta, January 2018 .

4: Wuxuu shirwaynuhu awood buuxda u siiyay Gudoomiyaha Xisbiga UCID, in uu buuxiyo xubnaha ka banana Xisbiga UCID, inta la gaadhayo Shirwaynaha afraad ee Xisbiga UCID .

5: Waxaa kale oo uu shirwaynuhu go’aamiyay, in la balaadhiyo xubnaha Golaha Dhexe, oo laga dhigo 251 Xubnood, halka uu markii hore ka haa 181 .

Haseyeeshee garabka kale ee uu hogaamiyo Jamaal Cali Xuseen ayaa go’aamadaasi ku gacan saydhay waxaanay dhankooda shir ku qabsadeen geed hoostii shirkaas oo ay sheegeen inay ku ansixiyeen heshiiskii garabkii UDUB la galay xisbiga UCID, sidoo kalena waxay halkaas kaga dhawaaqeen inay xilkii ka qaadeen guddoomiye Fayasal Cali Waraabe.

Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya shirkaasi ay qabsadeen ayaa waxa uu yidhi “Taariikhda waa markii ugu horeysy ee shirweyne xisbi lagu qabtay geed hoostii lagu qabtay shirweyne xisbi, xeerarka xisbiyada kuma taalo in guri hoostii lagu qabto, waxaana shirkayagii ka soo baxay saddex qodob oo kala ah in shirka lagu ansixiyey heshiishkii labada garab galeen 2012-kii, in xilkii laga qaaddo gudoomiyaha Xisbiga UCID, inay ku gudoomiye ku meel gaadh ah loo doortay xisbiga UCID”. Waxaanu intaas ku daray “Cadaalad darada halkii ugu hoosaysay baynu maraynaa oo waa cadaalad daraddii oo dharkii iska soosaartay, shirkaa yar ee garabka kale qabsadeen waxa la ii sheegay inay ciidan badan ilaalinayo,waxa loo baahan yahay haddii sharciga la jabiyo inay dadku wax ka qabtaan, maanta guryihii baa la iskula soo galay .”

Geesta kale labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI ayaa lakala saftay labada garab ee xisbiga UCID u kala jabay, waxaana ay xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE garabka saareen Faysal Cali Waraabe halka uu xisbiga WADDANI taageero u muujiyey Jamaal Cali Xuseen.

Guddoomiye kuxigeenka xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka qaybgalay shirwaynihii uu qabsaday garabka Faysal Cali Waraabe, waxaana uu Maxamed Kaahin halkaasi ka jeediyey khudbad uu aad ugu amaanay guddoomiye Faysal Cali Waraabe isagoo sidoo kalena ku dhago hadlay murashaxa WADDANi Cabdiraxmaan Cirro, hadalkiisiina waxa ka mid ahaa:

“Guddoomiyaha xisbigu (Faysal) raggii nabadaynta dalka illaa Hargeysa illaa Yiroowe, raggii ka soo qaybgalaybuu ahaa, iskama amaanayo Faysal Cali Waraabe ee Somaliland maanta waxaa isku haysta nin aan kob caleenle uga soo dur-durin iyo nin ilaa iyo samaana nuux ula soo jiifay labadas ayaa isku haysta”.

Sidoo kale Xogahaya xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uurcadde ayaa isna dhankiisa ka qaybgalay shirkii garabka Jamaal Cali Xuseen qabsadeen, waxaana uu xukuumadda Somaliland ku eedeeyey inay masuul ka tahay khilaafkan, waxaana ka mid ahaa hadalkiisii:

“waxaanu aad uga xunahay oo aanu cambaaraynaynaa go’aamadii maxkamadda oo ay xukuumaddu garab martay, iyadoo si badheedh ah maanta u bur-burinaysa xisbigii labaad ee qarankani lahaa oo ah xisbiga UCID, waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaanay xukuumadani ahayn xukuumaddii dimuqraadiyadda dhisi lahayd, runtiina Jamaal iyo garabkiisa aad ayaanu uga tacsiyeynayaa qaabka loola dhaqmay, waxaanu aad u cambaaraynaynaa go’aanka maxkamadda ee ay inna xuquuqdoodii u siisey, inna xuquuqdoodii u diidey, aad ayaanu u cambaaraynaynaa, waxaanu leenahay umadda reer Somaliland qasab ku dooran mayso cid madaxtooyadu ay wadato, umadda Somaliland codkeeda xorbay u tahay lamana qasbi karo, waxaanu umadda ku guubaabinaynaa inay abaal uga dhigto codkeeda halka xaqqa oo ay Jamaal siiyaan codkooda”.

Si kastaba ha ahaatee wajigan cusub ee uu khilaafka UCID u gudbay ayaan la saadaalin karin halka uu ku dambayn doono, waxaase muuqata inuu jiro ku talo gal ah bur-burka xisbiga cidii doontaaba haka dambaysee.