“Sharcigu Hadduu Shaqayn Waayo Iga Wala Wax Ka Daran Baa Dhacaya. Xisbigaas UCID Inta Nin Iska Qaato Uu Aadyar Halkaas La Maro Waa Habeen Xalay Ah Oo Tagay”

0
864

Jamaal Cali Xuseen iyo garabkiisa xisbiga UCID ayaa beeniyay inay ku biirayaan xisbiga KULMIYE, waxaanu sidoo kale sheegay inay qaateen amarkii guddiga diiwaangelinta oo ay joojiyeen shirkii ay iclaamiyeen inuu qabsoomayo 6 November.

Jamaal oo shalay shirjaraa’id qabtay, wuxuu kaloo ku hanjabay in haddii uu sharcigu shaqayn waayo ay wax ka darani dhici doonaan, isagoon waxaas carabaabin, “Guddiga diiwaangelintu waxay soo saartay inaan labadaas shir midna sharci ahayn ee la joojiyo oo la sameeyo shirkii maxkamadu xukuntay, waxaan cadaynayaa inaan sharciga waafaqsanahay oon qaadanay go’aankoodii, diyaarna u nahay inaanu shirkii maxkamadu xukuntay soo fadhiisano.” ayuu yidhi Jamaal, oo intaas raaciyay isagoo ka hadlaya wararkii suuqa soo galay ee sheegaya inuu KULMIYE ku biirayo“Maalin dhawayd waxa la soo geliyay Jamaal ayaa kulmiye ku biiraya oo lacag ayaa la siisanayaa, waxaasi waa ceeb, waxaan anigu lacagtaydii uga imid umadu way iga war haysaa mustawahaan taagnaa, nin lacag lagu iibsan kara ma ihi, KULMIYE-na ku biiri maayo, xisbi ayaan ahay, xisbigaas ayaan ka midho dhalinayaa ilaa iyo halka u hoosaysa. xisbigaas UCID ee tacab iyo wax waliba naga galeen inta nin iska qaato uu aadyar halkaas la maro waa habeen xalay ah oo tagay. Sharcigu hadduu shaqayn waayo iga wala wax ka daran baa dhacaya.”