“Markaad Leedahay Axmed Muumin Waa Garabkayga Midig, Annaga Ayaad Isku Kaaya Diraysaa Oo Aan Doonaysaa Inaad Kala Jebiso”

0
1043

Munaasibad Lagu Taageerayey Guddoomiyaha Garabka Toosinta WADDANI Oo Hargeysa Lagu Qabtay Iyo Nuxurka Khudbadihii Laga Jeediyey

“Cirro, Waxaanu Leennahay Waxaad Ahayd Waalid Ee Markaad Carruurtaada U Caddalled Samayn Kari Weyday, Ma Somaliland Ayaad U Caddaalled Samayn”

Munaasibad lagu taageerayo Guddoomiyaha Garabka Toosinta ee xisbiga WADDANI ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbigaasi Axmed Muumin Seed, ayaa lagu qabtay Huteelka  Safaari Ee magaaladda Hargeysa. Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxa ka qayb galay Madaxdhaqameed, Dhalinyaro, Haween, Waxgarad iyo dadweyne kale oo tiro badan, kana soo jeeda gobolka Awdal,kuwaas oo sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin guddoomiyaha Garabka Toosinta WADDANI Axmed Muumin Seed.

Xubno isugu jiray Cuqaal iyo waxgarad kale oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ay iskugu yimaaddeen  in ay muujiyaan taageerada ay u hayaan guddoomiye Axmed muumin seed oo ay sheegeen in caddaalad darro lagaga sameeyey shirkii golaha dhexe ee waddani,waxaanay caddeeyeen in ay si buuxda u taageersan yihiin Mr Seed oo ay garab taagnaan doonaan.

Qaar ka mid ah haweenkii munaasibaddan ka oo qayb galay oo halkaasi ka hadlay, ayaa waxa hadalladoodii ka mid ahaa “Waxa halkan iskugu kaaya keenay in aan taageerno guddoomiyaha garabka toosinta xisbiga WADDANI Axmed muumin Seed, waxaan leeyahay waxani ma aha dagaal dagaal wuu dambeeyaa, mana aha tani tii lagu guulaysanayey oo tii lagu guulaysanayey way dambaysa, waxa la kordhiyey golaha dhexe ee waddani, laakiin waxa ay caddaalad xumadu ka dhacday waa Cirro ee sameeyey cadaallad xumada, waxaanu leenahay doorashadu way dambaysaa” ayaa ka mid ahaa hadalladdii haweenka taageeray Axmed muumin Seed.

Sidoo kale qaar ka mid ah dhalinyarada munaasibaddan ka qayb galay oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa ay sheegeen in guddoomiye Axmed muumin Seed lagu sameeyey caddaalad darro, waxaanay ku goodiyeen in aanay tani ahayn guushii la gaadhayey oo ay guushii tahay ta doorashada madaxtooyada ee codka la doonayo “Axmed muumin seed isaga ayaa badiyey laakiin maalintii ayaa inta suuqa la tegay la soo ururiyey dad aan jirin, waa la khiyaamay axmed muumin seed ayaanu leenahay, waana hordhac xafladdaniye way soconaysaa shirarka noocan oo kale ahai, cirro waxaan leeyahay Somaliland ayey ugub ka tahay arrintani” ayaa ka mid ahaa haddalladii dhalinyaradii halkaasi ka hadashay.

Caaqil ka mid aha cuqaasha gobolka Awdal oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in taageerada ay u hayaan axmed muumin Seed laga arki doono codka marka la gaadho, waxaanuu yidhi “In aanu taageersannahay Axmed Muumin Seed waxa la arki doonaa codka, waxaan leeyahay beeshayda waxa la inagaga faa’iidaystay adigu waxaas ayaa tahay oo waa la ina kala jebiyey, waxaan ku hambalyeynayaa garabka toosinta iyo caddaaladda ee waddani, cirrana waxaan leeyahay adigu waalid ayaad ahayd axmed muumin seedna curadkaagii ayuu ahaaye markaad u caddaalad samayn kari wayday caruurtaada ma Somaliland oo dhan ayaa u caddaalad samayn, waxaan leeyahay waad isku gaaya diraysay markaad lahayd axmed muumin waa garabkayga midig, waxaan leeyahay axmed muumin seed waa in aynu taageerno oo aynu garab joogsanno” ayuu yidhi caaqilkani.