Prof Ismaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah siyaasiyiinta ku bahoobey xisbiga mucaaridka ah ee Waddani  ayaa waxaa uu si adag uga jawaabey hadalo dhawaan ay ku dureen madaxda sare ee xisbiga  muxaafidka ah ee Kulmiye  oo ku sifeeyey  in uu Buubaa aminsanyahay nidaamka federalka ah ee dalka Somaliya.

Mudne Buubaa waxaa uu sheegay in  aanu isagu aaminsaneen nidaamkaasi islamarkaana uu ka tanaasulay balse madaxda Kulmiye uu weydiinayo in ay ka tanaasuleen maryo alool nimadii waxana uu yidhi “Federaalka iyo arimahaas ay sheeg sheegayaan wax alaale wax ka jiraa ma jiro aniga federaalka 2007 ayaanu isku badhaadhnay  oo aan diiday in aan saxeexo aniga oo ah  wasiirka arimaha dibada , arinta federaalka ee ay ku cel celinayaan waa hore – hore ayaanu  kala soconey , aniguna waan ka tanaasulay federaalkii iyagase [ Madaxda KULMIYE] waxaan weydiinayaa in ay ka tanaasuleen maryo aloolnimadii ” ayuu yidhi siyaasi Prof Ismaciil Hurre Buubaa oo u waramay telefishanka Universal.

Sidoo kale Prof Buubaa waxaa uu ka hadley hadalo   gudida doorashoyinku ay ku sheegeen  in aanay heynin qeyb ka mid ah lacagtii doorashada waxaana uu ku sifeeyey fashilaad ku timid xukuumada Kulmiye  “Arintaasi waxaa ay cadeynaysaa in dawladii Kulmiye fashilantey waana markii labaad oo arimo xasaasi ah ay xagal daaciso ” ayuu yidhi

Gabo gabadii Prof Buubaa waxaa uu ka hadley shirkii  golaha dhexe ee dhawaan xisbiga Kulmiye qabsadey oo gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Muddane Axmed Muumin Seed ka cadhoodey waxaana uu yidhi “Waaan fadhiyey markii ay doorashadu dhaceysay Axmed  Muumin Seed markuu arkey in dad badani u codeyeen ninki ay tartamayeen ayuu  ka baxay meesha waxaana ay aheyd wax lagu sii talo galy ” ayuu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyey Prof Buubaa.