Ma caalim Mise Cilmaani , Qalinkii: Cabdimajiid Iid Aaden (Dhimbiil)

0
1053

Qormadeenan la magac baxday “Ma caalim Mise Cilmaani ” waxaynu kusoo qaadan doonaa arimo baryahan danbe ku soo badanaya bulshada ku hadasha afka soomaaliga dhexdeeda, arintani ayaa ahayd mid markii hore naadir ku ahayd bulshada soommaalida dheexdeeda balse haatan soo if –baxday oo mudh ka soo dhex tidhi in badan oo qarsanaysay.

Maahana markii koowaad amaba labaad ee arin noocan oo kale ahi ay dhacdo laakiin se marar badanoo hore ayay arintani dhacday waxaana sabab u ah wax kale ma ahee waa niman reer galbeed ah oo raba dadka inay diinta iyo wada saxda ah ee islaamku u jideeyay ka leexiyaan oo ay marin habaab ku ridaan , sunnaha nebigana suubanna (n.n.k..h) isna ka leexiyaan .

Arintu iyadoo saasa ayaa waxay bilaabeen inay adeegsadaan qayb ka mida dadka soomaalida ah ee ku dhaqan wadama dibedda kuwaas oo aan odhan karno waa calooshooda u shaqeystayaal aan diinta iyo dadka mid toonna waxba ugu filneyn allihii abuurtayna aan ka xishoonayn.

Haddaba yaanan hadalka waxba ku sii dheeraanine aan dulucda qoraalkayga hoos ugu daadego waxa jira niman yaryaroo diinta la qalad fahansiiyey oo maskaxdana laga badashoo lagu idhi dadka inta diinta aan aqoon badan u lahayn, dhlainyarta yaryar ee dhanxiirka u badan , dadka aqoon-laawe yaasha ah ee lacag raaca ah iyo weliba ku caamada ah soo ururiya oo diinta iyo aayadka iyo weliba axaadiista u qalad fasira ,diinta iyo noloshana u kala qaada oo laba shay oo kala gaara oon shaqo isku lahayn uga dhiga ilayn waxaynu ognahay in diintu nolosheena tahay ,nolosheenuna diinta ay ku dhisan tahay waxay ina fartayna aan qaadano wixii ay inaga reebtayna ka tagno e .

Taasina waxay sababtay in aayaadkii quraanka ahaa laga beensheegoo , axaadiistana laqalad fasiro , Nebigeenii suubanaana wax laga sheego am qaar ay af lagaado u geystaan ba , keliya intaa uun mahee xitaa Diintii ayay aragti ku saleeyeen oo kolba waxaan jirin ay ku soo darayaan ilaahayna wuxuu kitaabkiisa ku yidhi:

( Kuwa Gaaloobay ee Beeniyey Aayaadkayaga – kuwaasi waa asaxaabu naar)

Inaga oo wali taa ku sii jirna ayaa mar kale waxa uu Ilaahay kitaabkiisa quraanka ah ku sheeg in diintiisu ay dhamaystirantahay oo wax danbe oo lagu daro amaba ibni-aadam xaga danbe kagasoo daro u baahanayn waatan aayada cadaynaysaa: wallow ay aayadu sii socoto hadana intaa ayaynu kasoo qaadanaynaaye su’aashu hadaba waxay tahay akhriste

1.Ninka falalka noocna samaynayaa hadaba ma caalimbaa aqoon leh mise waa cilmaani dadka luminaya oo bohol ku ridaya?

cabdimajid Iid