“Waxaanu Maanta [Shalay] Hortiina Keennay Uur-ku-jirtii Gobolkan Cagaaran Ee Nala Soo Dhaweeya”

0
936

Madaxweyne-ku-xigeenka, Hoggaanka  Sare ee  KULMIYE Iyo Labeenta Gobolka Gabiley Oo Qalbi Furan Ku Qaabilay Siyaasiyiin Shilis Oo Kusoo Biiray Xisbul-xaakimka

Madaxweyne ku xigeenka JSL ahna kusimaha Madaxweynaha iyo guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbul xaakimka ahna ku simaha guddoomiyaha KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi ISmaaciil (Seylici) iyo Md. Maxamed Kaahin Axmed Ayaa shalay magaallada Gabiley ee xarunta

gobolka Gabiley kaga qayb galay munaasibad ballaadhan oo  maamulka heer gobo lee xisbiga KULMIYe ku qaabilay qaar kamid ah maayarradii soo maray deegaanno ka tirsan gobolkan Gabiley iyo  badiba xildhibaannadii golihii hore e ee deegaanka gobolka Gabiley.

Munaasibaddaasi oo shalay ka dhacday xarunta gobolka Gabiley waxaa sidoo kale ka qayb galay wasiirro, cuqaal, salaadiin, waxgarad iyo maamulka heer gobol iyo martisharaf kale oo aad u tiro badan.

Guddoomiyaha heer gobolk ee xisbiga KULMIYE ee Gabiley Axmed Maxamuud Shirwac,  waxaanu ugu horreynba soo dhawayn ballaadhan iyo niyad saafi ah ku qaabilay masuuliyiinta ku soo biiray xisbiga KULMIYE oo uu ku tilmaamay cudud ay tabayeen oo ay maanta  ku faraxsan yihiin hanashadooda “ Waxaynu maanta u fadhinaa soodhawaynta xildhibaannadaas iyo maayarradaas inna hor fadhiya. Waxaana sharaf noo ah inaynu KULMIYE ku soo dhawayno annaga oo aan ka xigtaysanayn oo ay maanta laga bilaabo innoola siman yihiin. Masuuliyiintan waxaan ku jira rag badan oo aad ogtihiin oo qaali ah oo sida ay gobolkan uga soo shaqeeyeen la ogyahay”. Sidaa ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Gabiley ee xisbiga KULMIYE Axmed Maxamuud Shirwac.

Maayarka degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar cabdi oo isna halkaas ka hadlay  ayaa si la mid ah guddoomiyaha KULMIYE ee Gabiley u soo dhaweeyey masuuliyiintan, waxaanu yidhi “Aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa siyaasiyiinta miisaanka culus leh ee maayarradii hore ee Gabiley Soomaray, xildhibaannadii, guddoomiyeyyaashii gobolka iyo siyaasiyiinta kale ee deegaankaba isugu jira. Run ahaanna xafladdan maanta aynu joogno iyo xafladiii hore waxaa ay dhammaan albaabada u laabayaan labada xisbi ee kale ee mucaaridka ah”. Ayuu yidhi Maayarka Gabiley. Sidoo kale Waxaa isna halkaasi ka hadlay Baadhasaabka Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi waxaanu yidhi “Maanta waxanu hortiina kusoo bandhigaynaa xubintii ugu dembeysay uur ku jirta gobolka Cagaaran ee Gabiley oo aanu kusoo biirinay xisbiga KULMIYE”. Ayuu yidhi Baadhasaabku. Waxaa iyaguna madasha ka hadlay qaar kamid ah madax dhaqameedka gobolka Gabiley oo salaadiin iyo cuqaalba isugu jiray waxaanay dhammaanba si isku mid ah usoo dhaweeyeen xubnaha ku soo biiray xisbiga KULMIYE. Wasiirka wasaaradda Wershadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse oo isna halkaasi ka hadlay ayaa qalbi furan kusoo dhaweeyey xubnahan cusub waxaanu yidhi “Waxaan soo dhawaynayaa, xubnaha miisaanka culus, maayarradii hore, masuuliyiintii hore, xildhibaannadii hore ee golaha deegaanka iyo masuuliyiin kale o oculus kuwaas oo uu kamid yahay Muj. Cabdiraxmaan Maxamed Mire”. Sidaas ayuu yidhi Wasiir Shucayb.

Wasiirku waxa uu  dhinaca kale si mug leh usoo dhaweeyey siyaasiyiin iyo taageerayaal baaxad leh oo xisbiga KULMIYE kaga soo biiray deegaanno katirsan gobolka Gabiley, waxana uu shaaca ka qaaday in xisbiga KULMIYE yahay madal la wada leeyahay oo aan la kala sheegan Karin. Guddoomiye Ku xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed Ayaa isaguna si ballaadhan u soo dhaweeyey siyaasiyiintan isaga oo maamulka gobolka Gabiley iyo  masuuliyiinta deegaanka ee xukuumadda ka tirsanna ku ammaanay sida wacan ee ay u soo agaasimeen madashan. Gebogabadii waxa isna halkaasi ka hadlay oo khudbadii xidhitaanka madasha jeediyey kusiomaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi ISamaciil Saylici. Ugu dambayntii Cabdiraxmaan Saylici waxa uu hoosta ka xarriiqay inay xisbiga KULMIYE majaraha u hayaan halgamaayo taariikhda galay oo u qalma inay waddanka hoggaamiyaan,“Maanta waxa aanu ku tartamaynaa oo aanu dadka dheernahay laba mujaahid baa iskugu yimi, kuwaas oo kala ah mujaahidkii halganka iyo mujaahidkii dimuqraaddiyada, aniga oo a Cabdiraxmaan-na waxan ahay mujaahidkii dimuqraadiyadda, markaa KULMIYE laba mujaahid baa iskugu yimiye ha u daymo la’aanina.”