Muran Xagga Shaqada Ah Oo Ka Taagan Wasaarad Ay Ka Hawlgalaan Shan Mas’uul Oo Digreeto Ku Magacaabani

0
1302

“Aniga Waxa La Ii Magacaabay Inaan Ahaado Agaasimaha Guud Ee Maamulka Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gobollada Iyo Dawladaha Hoose, Agaasimaha Guud Ee La Magacaabayna Waa Dhinaca Amniga Oo Kali Ah.”

Agaasimihii guud ee hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md.Cabdifataax Siciid Axmed oo madaxweynuhu xil kale oo agaasimenimo uga magacaabay isla wasaaraddaas, ayaa faahfaahin ka bixiyey jaah-wareer bulshadu ka qaaday xilka uu umadda u hayo.

Ambassador Cabdifataax Siciid oo warbaahinta dawladda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday inay shaqada markii labaad looga magacaabay wasaaradda arrimaha guduhu mid cad oo aan madmadow ku jirin, isla-markaana dhammaan hawlaha maamul ee wasaaradda iyo arrimaha la xidhiidha dawladaha hoose ee dalka uu isagu u xilsaaran yahay.

Cabdifaraax waxa  isaga oo isaga oo bulshada u kala saafaya labada agaasime ee wasaaradda arrimaha guduhu leedahay uu yidhi, “Aniga waxa la ii magacaabay inaan ahaado agaasimaha guud ee maamulka ee wasaaradda arrimaha gudaha, gobollada iyo dawladaha Hoose, Agaasimaha guud ee la magacaabayna waa dhinaca Amniga oo kali ah.”

Shacabka ayaa inta badan ku dawakha shaqooyinka ay kala qabtaan labada agaasime ee wasaaradda arrimaha guduhu leedahay, balse waxa xusid mudan inuu agaasime Cabdifataax agaasinka kale ee wasaaradiisa ku qoran uu ku riixay oo kali ah arrimaha dhinaca amniga la xidhiidha.

Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo kamid ah halbawlayaasha hay’adaha qaranka, ayaa waxa ku sugan shan masuul oo degreeto madaxweyne ku magacaabay, kuwaas oo kala ah, wasiir, wasiir-ku-xigeen, wasuuru-dawle iyo weliba laba agaasime, waxana ay kamid tahay hay’adaha qaranku leeyahay ee ugu masuuliyiinta badan.

Inkasta oo uu yar yahay muranka dibadda usoo baxayaa, haddana isqabqabsi  iyo gorgortan dhinaca awoodda ah, ayaa dhexmara masuuliyiinta awoodaha siman lagu magacaabay ee wasaaradda arrimaha gudaha, waxana taas u sababa iyada oo aanay jirin wax shaqooyinka masuuliyiinta kala soocaya(job description) oo qoraal ahi.