“Komishanku Wuxuu Caddeynayaa in Aanay Jirin wax Xog ah oo Laga Xaday ama la Masaxay”

0
775

Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa beeniyay war uu Sabtidii toddobaadkan baahiyay wargeyska FOORE, oo sheegayay in la xaday ama la waayay xogtii diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobollada dalka laga qabtay.Waxaanay sheegeen komishanka doorashooyinku in aanay jirin haba yaraatee wax xog ah oo laga xaday ama ka luntay oo la waayay, isla markaana wararkaasi ay yihiin been aanay waxba ka jirin. Iyadoo ay tilmaameen in ay sharciga horgayn doonaan wargeyskii warkaasi daabacay.

Xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xaruntoodda magaaladda Hargaysa, waxay cadeeyeen in aanay jirin xog la xaday, isla markaana aan la masixi Karin, lana xadi Karin xogta diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka C/qaadir Iimaan Warsame, oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in aanay jirin cid ka mid shaqaalaha komishanka doorashooyinka oo loo tuhunsan yahay in ay ku kacday fal ah in la masaxay xogta diiwaangelinta “Komishanka doorashooyinka qaranku wuxuu cadaynayaa in aanay jirin wax xog ah oo ka luntay komishanka doorashooyinka qaranka, ama laga xaday ama la masaxay, haba yaraatee ma jirto.
cid la tuhunsan yahay oo shaqaalaha komishanka doorashooyinka ka mid ah oo falkaa ku kacdayna ma jirto, haddii ay tahay shaqaalihii hore ee la fasaxay iyo kuwa imika joogaba”ayuu yidhi C/qaadir Iimaan.

Guddoomiyaha komishanku waxa uu sheegay in aan la masixi Karin, lana xadi Karin xogta diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxaanu yidhi “Lama masixi karro xogta diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ku jirta kombuyuutaradda, qof masixi karaa ma jiro, lama furan karo, loomana isticmaali karro qalab kale, taasina sidaas ayaanu idiinku cadaynaynaa.
Xogtaasi waa xog qaranku leeyahay, waxaana gacanta ku haya komishanka doorashooyinka qaranka, waana xog xafidan.”

Geesta kale C/qaadir Iimaan Warsame, waxa uu xusay in xataa laba meelood oo ay ciladi kombuyuutaradda ku dhacday in aanay lumin ama la qaadan xogtii ku jirtay, isla markaana ay hore ugu soo bandhigeen saxaafadda iyo hay’adaha ku shaqadda leh.

Guddoomiyaha komishanka oo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Waxaa jirtay oo la og yahay laba goobood oo keliya oo ay midi ahayd woqooyiga oo kombuyuutarka ciladi ku dhacday, iyo goob kale oo Laascaanood ahayd, oo ay qolo budhacad ahayd qaateen kombuyuutarkii, xataa kuwaa waanagii xogtoodii soo bandhignay saxaafadda in aanay waxba ka lumin, waanagii cadaynay ee hor dhignay hay’adaha ku shaqadda leh”.

Dhinaca kale komishanka doorashooyinku waxay sheegeen in ay sharciga la tiigsan doonaan wargeyska madaxa banaan ee FOORE oo ka soo baxa magaaladda Hargaysa, kaasi oo cadadkiisii Sabtidii doraad daabacay war sheegayay in la xaday xogtii diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee komishanka doorashooyinka.