Akhriso Nuxurka Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Somaliland Iyo Ra ,iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya

0
802

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa 29. 10.2016 kulan la qaatay Raiisal Wasaaraha Dalka Itoobiya mudane Hailemariam Desalegn waxayna ka wada hadleen Xidhiidhka qotada dheer leh ee u dhexeeya labada dal iyo arrimo Khuseeya danaha labada dal.

Labada hoggaamiye waxay kulankan is weydaarsadeen aragti iyo araaha  la xidhiidha sidii loo sii xoojin lahaa loona wanaajin lahaa iskaashiga xagga Ganacsiga, Maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee labada dal.

Labada hoggaamiye waxa kale oo ay ka wada hadleen tayaynta iyo dar-dargelinta jidadka labada dal isu xidha iyo weliba horumarinta iyo casriyeynta Dekeda Caalamiga ah ee Berbera, arrintanina ay labada dalba faa’ido ugu jirto; gaar ahaan dalka Itoobiya oo ay ka go’an tahay in Dekeda Berbera ay uga faa’iidaysato horumarinta iyo koboca dhaqaaleheeda iyo Xidhiidhka Ganacsi ee ay Ethiopia la leedahay Caalamka.

Sidoo kale labada hoggaamiye waxa kale oo ay isu waafaqeen ka wada shaqaynta arrimaha Amniga iyo xasiloonida labada dal iyo la dagaallanka kooxaha arga-gaxisada ah ee mandaqda ka wada nabadgelyo darrada.