Gudoomiyaha   xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaciil Jirde iyo hogaamiyaha xisbigaasi muddane Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa waxaa ay farin u direen bulshada Somaliland iyo taagerayaasha xisbiga Waddani

Ugu horeyn Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde waxaa uu  xubnaha golaha dhexe ugu hanbalyeeyey  shirkii  golaha dhexe ee xisbigaasi qabsadey oo uu  sheegay in uu  ku dhamaadey nidaam guul ah .

Sidoo kale hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa waxaa uu isna baaq qeylo dhaan ah oo ku saleysan abaaraha ka jira gobalada Bariga u diray Bulshada Somaliland iyo taageerayaasha xisbiga