Masuuliyiin Dacwad ka Dhan ah Shirkii Golaha Dhexe WADDANI u Gudbinaya Guddida Diiwaan-gelinta

0
836

Garabka toosinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa sheegay in ay dacwad u gudbin doonaan guddida diiwaan-galinta ururrada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka, dacwadaasi oo ka dhan ah qaabkii loo maamulay shirkii golaha dhexe xisbiga Waddani.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Waddani Faarax Muxumed Cabdulle oo shalay u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in garabka toosinta xisbiga Waddani ay dacwad u gudbin doonaan gudida diwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka, waxaana uu dhaliilo u soo jeediyay kooxdii isbahaysigii Kulmiye ee ku biiray xisbigaaas.

Mr. Faarax isaga oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Guddida diwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka dacwad ayaanu u gudbinaynaa, taas oo ku aadan sidii loo maamulay shirkii golaha dhexe ee xisbiga Waddani, maxkamada sare waa marka danbe haddii aanu ku qanci wayno waxa ay soo saaraan gudida diwaangalinta ururada iyo axsaabta qaranku.”

Faarax Dheere waxa uu sheegay in khilaafka xisbiga Waddani ka dhex jira ay qayb ka yihiin kooxdii isbahaysigii Kulmiye ee xisbigaas ku biiray, waxaana uu yidhi “Qayb ayay ka yihiin khilaafka ka dhex jira xisbiga Waddani kooxdii Kulmiye ka timid. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu arkayaa in ay wax tarayaan, laakiin xukuumadii ay wasiirada ka ahaayeen ayay wax tari lahaayeen, xisbiga Waddani waxba ma tari karaan”.