Madaxtooyada Oo Guclo Iyo Orod Ugu Jirta Inay Baashe Maxamed Faarax Ku Fadhiisto Kursiga Shirguddoonka Golaha Wakiilada, Marka Uu Cirro Baneeyo

0
952

Madaxtooyada Somaliland ayaa guclo iyo orod ugu jirta sidii ay taageero ugu heli lahayd in guddoomiye-xigeenka 1aad ee golaha wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax, noqdo guddoomiyaha golaha wakiilada, marka uu guddoomiye Cirro xilkaas iska casilo.

Shirar labadii habeen ee u dambeeyay ka socday madaxtooyada, ayaa waxa warar uu Geeska Afrika helay sheegayaan in lagu go’aansaday in la sameeyo qorshe lagu dhabaynayo fikirka ah in Baashe Maxamed Faarax noqdo qofka bedelaya guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro, waxaana la dejiyay qorshihii lagu heli lahaa codka uu u baahanyahay guddoomiye Baashe si uu kursigaas ugu fadhiisto oo uu u noqdo guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada.

Guddoomiyaha Waddani iyo murashaxa xisbigaas Md. Cirro, ayaa la filayaa inuu dhawaan baneeyo guddoomiyenimada golaha wakiilada, ka dib markii toddobaadkan loo caleemo saaray murashaxa madaxweyne ee xisbigaas.

Marka uu Cirro baneeyo jagadaas, waxa la filayaa inay soo baxaan mudanayaal kale oo iyaguna dhinacooda u baratami doona buuxinta jagadaaas guddoomiyaha golaha wakiilada, waxaana la saadaalinayaa inay xamaasad siyaasadeed ka dhalato cidda buuxin doonta kursigaas oo ugu dambayn ay golaha xildhibaanada golaha wakiiladu dooran doonaan.