Aniga oo madaxweynaha aan ka dafirayn in uu himaladan lahaa aniguna kii fuliyey ayaan ahaa , hadii uu dafiro Cadaani bulshada ayaanu iskula tagi doonaa oo waa waxa ceerigaabo ka soo raaca.

Cadaani waa wasiirka warfaafinta ee wax uu ku faano ama uu dadka iyo dalka gashaday ha sameeyo oo bal dadka ha hor keeno , wasiir walibana wasaaradu joogo wax uu ku faano ha fuliyo , Guul walba oo Wasiir wasaaradiisa ka gaadhana Madaxweynuhuna Libteeda ayuu Leeyahay wasiirkii fuliyeyna libteeda wuu la leeyahay
Askarta reer somaliland ayaa la waydiin doonaa in aan la col ahay iyo inaan ahay mid dhiiri galiya ee hadii uu askarta u jeedo Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin waxaan leeyahay iyagana ma necbi ee waan loolamaynaa oo waxaan u arkaa in aanay hogaanka dalka sax ku ahayn
(wa bilaahi tawfiiq).