Weedhihii Wasiir Samsam Cabdi Adan Ka Jeedisay Munaasibaddii Ay Komishanka Farta Kaga Saartay Saamigii Xukuumaddu Doorashooyinka Ku Bixinaysay

0
822

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka hadlaysay dhawaan Munaasibaddii ay Komishanka Doorashooyinka ku wareejiyeen Afarta Milyan ee Doollar oo ahayd saamigii xukuumadda kaga aaddanaa kharashaadka ku baxaya Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegtay in ay ka xukuumad ahaan sharaf weyn u tahay iyada oo ah masuulkii wasaaradda Maaliyadda in ay Komishanka ku wareejiyaan lacagtaasi oo ah tii lagu qaban lahaa Doorashooyinka la filayo in ay dalkeena ka qabsoomaan sannadka dambe horraantiisa.
Kulankankaasi haddaba lacagta lagula kala wareegay oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland kuna kulmeen xubno ka mid ah golaha wasiirada oo ay hoggaaminayeen Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiir Samsam Cabdi Aadan, ayaa waxaa halkaasi ugu horraynba ka hadashay Wasiir Samsam Cabdi Aadan oo lacag dhan 4-Milyan oo doollarka Maraykanka ah ku wareejisay Guddoomiyaha Guddidda Doorashooyinka Qaranka waxaana ka mid ahaa hadalladii wasii Samsam sidan: “Sidaad la wada socotaan doorashadii madaxweynaha oo dhacaysa 28/March/2017, ee uu madaxweynuhu amar ku bixiyey in aanay maalin dib uga dhicin, komishankii oo nala jooga oo walaac yar ka qabay inay lacagtaasi dhakhso ugu timaado ama ay hay’adihii bixin lahaa ay runtii waxyaabo badan uu dib u dhac ku yimid ayey dawladdu goosatay inay afartii milyan ee ay ku ballanqadeen ay maanta ugu shubaan account-ka komishanka, haddii marka ay soo noqdaan ay yidhaahdaan hay’adihii waxba way bixin waayeen inay dawladdu masuuliyaddaa qaado, waayo masuuliyadda in doorasho la qabtaa dawladda ayay saaran tahay, way yara kaalmaynayeen hay’aduhu, haddii laakiinse ay dib u dhac ku ridayaan ma ogolaanayno, madaxweynuhuna wuu caddeeyey amarna wuxuu ku bixiyey in aanay maalina dib uga dhicin. Markaa sidaa aawadeed annagoo fulinayna awaamiirtii madaxweynaha ayaanu afartii milyan ee doolar maanta oo ay taariikhdu tahay (22.10.2016) ku wareejinaynaa komishanka doorashooyinka” ayay tidhi Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka hadlaysay munaasibaddaasi ay Komishanka ku wareejiyeen lacagtii xukuumadda kaga aaddanayd qabashada Doorashooyinka oo dhammayd Afar Milyan oo Dollar taasi oo ahayd mid xukuumaddu waajibkeedii kaga soo baxday.