SOMTEL Oo Macaamiisheeda U Soo Bandhigtay Abaalmarintii Ay Sanadkan Ugu Talo-gashay

0
914

Madal aad u bilicsan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa caawa lagu soo bandhigay Afar gaaadhi oo ah noocii u dambeeyay ee dalka laga isticmaalo MARK X iyo waliba lacag dhan 90 Milyan oo shilling oo ay shirkadda somtel ugu talagashay Macaamiisheeda kala duwan Hadaba ugu horayn waxa faahfaahin ka bixiyay ujeedada bandhigan Madaxa waaxda suuqgaynta ee shirkadda somtel Khadar Abdirahman Abdilahi waxaanu yidhi” Shirkadda somtel waxa ay caawa halkan ku daahfuraysaa barnaamij cusub oo la magac baxay Abaalmarinta sanadka somtel iyo waliba Guulaystayaashii hore ugu guulaystay Abaalmarintii Deeqda waxbarasho jaamacadeed oo ay shirkadda somtel xafladdan ku gudoonsiindoonto Abaalmarintoodii ay ku guulaysteen

Sida oo kale qaar ka mid ah Guulaystayaashii Waxbarashada jaamacadeed ayaa aad iyo aad ugu mahad celiyay shirkadda somtel waxayna sheegeen in aanay haba yaraatee marnaba filanahayn hadiyad ama deeq intaas leeg in ay ka helidoonaan shirkadda somtel balse caawa ay yaqiinsadeen in shirkaddu ka runsheegayso hadiyadaha ay bixiso maadaama iyaga oo guryahooda jooga lala soo hadlay .

Maxamed Roble oo ah Madaxa waaxda Ganacsiga shirkadda somtel ayaa Macaamiisha somtel ugu bushaareeyay in ay ku guulaysandoonaan afar gaadhi oo ah noocii u dambeeyay iyo waliba Hal Milyan iyo Badh maalin kasta shirkaddu abaalmarin u bixindoonto waxanu faahfaahin ka bixiyay qaabka loo guulaysanaayo iyo waliba hadiyadaha la bixindoono waxaanu yidhi macmiilkasta oo isticmaala Adeegyada Mobile ka  waxa uu ka qayb qaadan karaa barnaamijka abaalmarinta sanadka ee somtel tusaale hadii macmiilkasta oo isticmaala adeegyada kala ah

  1. Voice prepaid and post-paid waa ay ka qayb qaadanayaan Barnaajikan abaalmarinta ah
  2. Data macaamisha internetka ku isticmaala mobile ama MIFI waa ay ka qayb qaadanayaan barnaamujkan Abaalmarinta ah
  3. maalinkasta waxa guulaysanaaya 3 macmiil oo macmiilkiiba helayo 500,000(shan boqol oo shiling somaliland ah ama dollar u dhigma waana milyan iyo badh maalintii.

4.maalinkasta waxaa la xulayaa 10 macmiil oo ka mid noqon doona  macaamiisha u tartami doona baabuurta macaamiisha lagu abaalmarindoono oo ah noocii ugu dambeeyay oo ah gawaadhida raaxda leh ee loo yaqaan MARK X maalin walba waxa Serverku soo xulidoonaa 10 macmiiil oo ka mid noqondoon 600 oo macmiil oo jaanis u helidoona in ay ka qayb galaan abaalmarinta baabuurta maadama ay short list ka kusoo baxeeen waxaana guulaysandoona afar macmiil oo ka mid ah lixdaas boqol ee macmiil waxayna ku guulaysandoonaan Afarta gaadhi markaas macaamiishu waxay u kala jaanis badan yihiin siday u kala isticmaal  badan yihiin

  1. macmiilku wax kasta wuu ku shuban karaa mobile ama Mifi giisa wax limit ah oo ku xidhani ma jiraan balse macmiilkastaa waxaa uu jaaniska u uga dhowyahay macmiilka uu kushubashada ka badan yahay
  2. abaal marinta waxaa kale oo ka mid ah MIFI devices oo shirkaddu bixindoonto

Ugu dambayntii waxa halkaaas Abaalmarintoodii deeqda waxbarsho jaamacadeed ahayd lagu gudoonsiiyay afartii guulayste ee hore u helay deeqda jaamacadeed ee shirkaddu bixisay waxaana soo xidhay xafladda Gudoomiye ku xigeenka somtel Mawliid Omar oo sheegay in ay guud ahaanba u mahad celinayaaan Macaamiisha somtel isla markaan caawa laga bilaabo ay bilaabantay Abaalmarintii sanadku oo lagu guulaysandoono Afar gaadhi iyo 90 Milyan oo shilling iyo waliba 4G Mifi

Hadaba Shirkadda somtel ayaa ah shirkadda  kaliya ee markasta macaamiisheeda kusoo celisa qayb ka mid ah faa’idada shirkadda taas oo bulshadu markhaati ka tahay inta barnaamij ee kala duwan ee shirkaddu ay abaalmarino kala duwan ku bixisay sannadkan oo kaliya oo ah tiraba Afar jeer oo markii koobaad ay bixisay Afar gaadhi iyo 60 Milyan oo shilling marlabaadkiina shirkaaddu waxa ay bixisay 18 agab guri ah sida sariiro, fadhiyo iyo cuntooyin mar afraadkiina shirkadda somtel waxa ay soo bandhigtay Afar gaadhi oo ah MARK X iyo waliba 90 Milyan oo shilling.