Garabka Faysal Cali Waraabe Oo Shalay Iclaamiyay Shirweynihii Xisbiga UCID Iyo Garabkii Jamaal Oo Maanta Qaadacaya, Sheegayana Halka Ay Wax Ka Qaldan Yihiin

0
843

Garabka Jamaal Oo Toosh Ku Ifinaya Maanta Xubin KULMIYE Ka Tirsan Oo Uu Faysal Xubnihiisa Ku Soo Darsaday Iyo Nuxurka Codsi Uu Faysal Usoo Diray Cali Guray

Ku xigeenka Xoghaya guud ee Xisbi UCID Naasir Yuusuf Qodax oo ka tirsan Garabka uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbigaasi Faysal Cali Waraabe ayaa shalay iclaamiyay Shirkii Xisbigaasi oo uu ku sheegay inay u qoondeeyeen inay qabsadaan 02/11/2016-ka, shirkii aan caadiga ahayn ee ka mid ka ahaa Go’aamadii Maxkamada Sare fartay inay labada Garab ee Khilaafku kala erdheeyay ee UCID Mudo lixdan cisho gudahood ah ku qabsadaan,Waxa uu sidoo kale Warbaahinta u akhriyay Magacyada Shanta Xubnood ee Garabka Faysal Cali Waraabe Soo Xushay ee Shirkaasi qaban qaabinaya.
Illo Wareedyo u dhuun daloola Xisbiga UCID ayaa Foore Xalay u xaqiijiyay inaanay Garabka Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxba kala socon Iclaaminta shirkaasi oo aan waxba lagala socod siin oo uu ka yimid oo qudha dhinaca Garabka Faysal,Islamarkaana ay garabka Jamaal Cali Xuseen uu Hogaaminayaa Maanta Shir-jaraa’id oo ay arintaasi kaga hadlayaan ay qabanayaan. Warar hoose oo aanu helnay ayaa tilmaamay in Garabka Jamaal aaminsan yihiin in sharcigu dhigayo in Iclaaminta Shirkaasi aanay xaq u lahayn masuuliyiinta Xisbigaasi balse ay sharciyan Mudayntiisa leeyihiin Tobanka Xubnood ee qaban qaabinaya Shirkaasi ee matalaya labada Garab,waxaanay shalay Iclaamintaasi u arkaan mid Sharciga Baal marsan oo horseed u ah Nooc Cusub oo khilaaf keeni kara oo ay abuurayaan Kooxda Faysal Cali Waraabe.
Dhinaca kale,Warar Xog-ogaal ah oo nasoo gaadhay ayaa tibaaxay Warqad codsi ah oo uu Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Gaadhsiiyay Muj Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray),Islamarkaana uu kaga codsay inuu ka saaro Xubnaha gudida garabka Jamaal Cali Xuseen soo Xushay Ninka layidhaa Xuseen Xasan Badmaax oo ah Xoghaya Xuquuqul Insaanka Xisbiga UCID,balse Maanta ayaa la rajaynayaa inuu Garabka Jamaal shirkaasi jaraa’id kaga jawaabo Warqadaasi. Warar kale ayaa sheegaya in Garabka Jamaal Cali Xuseen ay ka biyo diidsan yihiin Xubin ka mid ah Shanta Xubnood ee Garabka Faysal Cali Waraabe Xalay iclaamiyay,Xubintaasi oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Khayre (Shabaash) oo la sheegay inuu xisbiga UCID hore uga tirsanaa, balse uu ka baxay oo uu u digo rogtay Xisbigii Xaqsoor ee tartankii Axsaabta badan ku hadhay,waxaana la sheegay in Xubintaasi markii dambe u digo rogatay Xisbiga KULMIYE oo ay ugu dambaysay isagoo ku jiray Xisbiga KULMIYE Golihiisa Dhexe. Xubintan iyo Arimo kale ayaa laga dhursugayaan inay Maanta Garab Jamaal Cali Xuseen kaga hadlaan Shirkooda Jaraa’id.
Waxay umuuqataa in Khilaafkii Xisbiga UCID markale Geeso kale yeeshay waxaana muuqata inaanay labada garab wali isla Fahmin amboqaadista Go’aankiii Maxkamada Sare ee xal uhelida Khilaafka ka taagan Xisbigaasi ee mudada dheer soo jiitamayay,isagoo Faysal Cali uu Kolba Qorshe cusub oo khilaafka kale abuuraya uu gacanta kula jiro. Bal aan maanta dhawrno qodobada ay keenaan