Cali Khaliif Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Hargeysa U Iman Doono Wada-hadalka Maamulkiisu La Yeelan Doono Xukuumadda Somaliland

0
884

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Md.Cali Khaliif Galaydh, ayaa faahfaahin ka bixiyey hasmai-u-socodka wada-hadallada aan weli bilaabmin ee la filayo inay u furmaan xukuumadda Somaliland iyo maamulkiisa, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay wada-hadalladaasi dhawaan bilaabmi doonaan.

Cali Khaliif oo ku sugan magaalada Buuhoodle arrintan ka hadlay, ayaa si cad u sheegay inay wada-hadalladaasi furmi doonaan bishan aynu ku jirno ee November gudaheeda, waxana uu meesha ka saaray in waxqabado ahi soo waajaheen, marka laga reebo arrimo farsamo oo uu tilmaamay inay xagga Somaliland ka yimaadeen, “Wada-hadalkii Somaliland waxbaa ka dhin-dhiman, wuuna daahay, laakiin waa la qabanayaa, bishani inta aanay dhammaaninna waxan ku rajo weynahay inay wada-hadallada ugu horreeyaa ay qabsoomaan, wax xaggeena dib uga dhacayna kama iman, laakiin xagga qolada aynu wada-hadlayno arrimo farsamo ayaa yimi.”ayuu yidhi Cali Khaliif.

Mudane Khaliif oo hadalkiisa sii wata, ayaa carrabka ku ballaadhiyey cidda maamulkiisa wada-hadalladaas uga qaybgeli doonta, waxana uu dhaliil u jeediyey xubno deegaanada bariga kasoo jeeda oo hore xukuumadda Somaliland Hargeysa ugu qaabili jirtey, waxana uu yidhi,“wada-hadallada Dadka lagu darayaana dad xukuumadda iyo Baarlamaanka kamid ah ama nin doorka iyo dadka dibadda jooga ayaa inooga qayb gelaya, wuxuna ma aha dadkii intay sii hagoogtaan Burco iyo Hargeysa isa sii taagi jirey ee odhan jirey isin hebel baan ahay iyo siyaasi baan ahay iyo reer hebel baanu nahay ee Baabuur la siin jirey ee xoolo cadquudheed ah loo tuuri jirey.”

Waxa uu sheegay Cali Khaliif inay caasimadda Hargeysa iman doonaan, iyada oo ujeeddadoodu tahay inay wada-hadalladaas ka midho dhaliyaan,“Waar xataa haddii Hargeysa la tago meel lagu daahayo oo la joogayo ma aha, haddii ay Hargeysa dani na baddo oo aanu tagnana waxanu u tegaynaa hawshaas socota ee wada-hadallada ah oo wakhti qaadan doonta.”ayuu yidhi Cali Khaliif.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore shaaca uga qaaday inay wada-hadallo la furayso madaxda maamulka Khaatumo, taas oo hordhaceeda loo ballansanaa 25-ka bishan oo berry ku beegan, balse xukuumaddu weli bulshada uma sheegin meesha ay wada-hadalladaas iyo ballantaasi ku dambeeyeen.