Axmed Muumin Seed oo ku Gacan Saydhay Ergo Xisbiga WADDANI u Diray

0
861

Axmed Muumin Seed, oo ahaa murrashaxii u tartamayay madaxweyne Ku-xigeenka WADDANI, balse ka baxay shirkii Golaha dhexe ee Sabtidii lagu dooranayay Murrashaxiinta, markii uu ka biyo diiday cadaalad darro kaga dhacday xisbigaas, ayaa shalay ku gacan saydhay ergo dhawr xubnood ka koobnaa oo uu horkacayay Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo doonayay inay kala hadlaan sidii xal loogu heli lahaa tabashadiisa.

Ilo xog ogaal ah ayaa xalay DAWAN, u xaqiijiyay in ergadaasi jirtay, hase yeeshee uu Axmed Muumin Seed, diiday inuu la hadlo xubnihii ergada ahaa oo uu sheegay inay hore dhegaha uga furaysteen cashooyin kala duwan oo uu ku toosinayay saaxadii shirkii Golaha dhexe oo uu ku dooday in xisbigu ka midaysnaayeen in meesha laga saaro.

Warku waxa uu intaas ku daray in ergadani ay hungo iyo natiijo la’aan kagala soo noqdeen Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee WADDANI oo sheegay inaanay jirin wax dambe aanu iskugu hadhin isaga xisbigii uu shantii sannadood ee la soo dhaafay uu tacabkiisii geliyay.
Ilo ku dhow dhow siyaasigan ayaa noo sheegay inuu aasaasayo garab ka go’aya xisbiga WADDANI oo dhowaan ku biiri doona xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE.