Shirkii Waddani: Doorashadii Cirro Iyo Maxamed Cali, Bixitaankii Muumin Seed Iyo Ansixintii Cabdiqaadir Jirde Iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan

0
779

Shirkii koowaad ee Xisbiga WADDANI oo si rasmi ah shalay  magaalada Hargeysa looggu soo gunnaanaday, ayaa Murashax Madaxweyne looggu doortay Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), halka Murashax Madaxweyne ku xigeena loo doortay Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, ku waasi oo ah Murashaxiinta Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Xisbigaas uga qeyb-gali doona Doorashada Madaxtinimo ee la filaayo in ay dalka ka qabsoonto horraanta sannadka dambe ee 2017ka.

Waxase shirka ka baxay markii ay u codayntu socotay guddoomiye xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo ahaa murashaxa labaad ee u tartamayay madaxweyne-xigeenka oo ka cadhooday qaabka codaynta.

Shirkan oo gunaanadkiisii uu ka qabsoomay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qeyb-galay xubnaha  Golaha Dhaxe ee Xisbigaasi oo dhammaa 622 xubnood isla mar ahaantaana  iskugu jiray ergooyin ka kala socday goballada dalka, laamaha dibadda, mas’uuliyiintii Xisbiga iyo xubno kale oo aad u tira badan.

Guddoomiyaha golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI Md.Cismaan Afgaab oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in shirkaasi uu u furmay si habsami ah, waxaana uu soo bandhigay ajandeyaasha shirka oo uu xusay in lagu kala reebi doono Murashaxiinta Tartamaysa.

“Maanta, waxa aan ku faraxsanahay in Xisbiga WADDANI uu qabsanaayo gunnaandka shirkii sii Golaha dhaxe oo muddo saddex cisho ah u socday, xubnaha maanta golaha ka soo qeyb-galay waxa ay dhan yihiin 622 xubnood oo ka kala yimi dhammaan ba goballada iyo degmooyinka dalka, laamaha dibadda, qurba-joogta iyo dhammaan ba mas’uuliyiinta kale ee Xisbiga WADDANI. Shirku wuxu innoogu furmi doonaa ajendayaal muhiim ah oo kala ah ansaxinta Qabyo-tirka Xeerka Xisbiga, Barnaamijka Xisbiga iyo weli ba kala reebista Murashaxiinta u tartamaaya jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI iyo weli ba ansaxinta heshiisyaddii uu hore u soo galay Xisbigu”.

Hada ba Murashaxiinta u tartamaysay xilalka Madaxweyne iyo ku xigeen oo kala ahaa Dr.Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo u tartamaayey Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga, Axmed Muumin Seed oo u tartamaayey Murashax ku xigeenka iyo weli ba Dr.Maxamed Xaaji Cali, ayaa ugu horreyn intii aan coddeynta billaabin, waxa ay sheegeen in ay si weyn ugu faraxsan yihiin ka qeyb-galka shirka golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay ku qanacsan yihiin natiijo kasta oo ka soo baxda shirkaasi.

Intaas ka dib, waxa la gudo-galay ansaxinta wax-ka bedel lagu sameeyey xeerka Xisbiga, qabyo-tirka barnaamijka Xisbiga iyo weli ba ansaxinta heshiisyo uu sannadahii ugu dambeeyey iyo dhawaan ba uu hore u soo galay Xisbiga WADDANI, waxaana halkaas cod aqlabiyad ah lagu doortay isla mar ahaantaana lagu ansaxiyey guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde iyo weli ba sida oo kale hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI oo loo doortay Md.Xirsi Cali X.Xasan.

Ugu dambeyntii na waxa halkaas si dimuqraadi ah cod gacan taag ah looggu kala saaray Murashaxiinta u tartamaysay Madaxtinimada Xisbiga, ku waasi oo Xubnaha Golaha Dhaxe ee Xisbigu ay gebi ahaan hal mar u coddeeyeen Dr. Cabdiraxmaan Cirro in uu noqdo Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga cod dhan 622 xubnood oo ah tiradii meesha fadhiday, halka Murashax Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga WADDANI looggu doortay Dr.Maxamed Xaaji Cali Cabdi oo helay cod dhan 581 cod isla mar ahaantaana uu tartankii Murashaxnimada Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga WADDANI oo uu kaga guulaystay Murashax Axmed Muumin Seed oo kula loolamaayey, laakiin Axmed Muumin Seed ayaan sugin codaynta, waxaanu shirka ka baxay markii codka loo qaadayay, isagoo helay 44 cod, waxaana dadka u codeeyay ka mid ahaa murashax Cabdiraxmaan-cirro. Mr. Seed ayaa kelidii shirka ka baxay, waxaana ka hadhay ergadii u codaysay.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ka dib doorashadii sii halkaas ka jeediyey khudbad aad u dheer oo taanaysa xaaladda dalka iyo weli ba sida uu wax uga bedeli doono siyaasadda Somaliland iyo dawladnimada, ayaa ugu horreyn u mahad-celiyey dhammaan ba xubnahii golaha dhaxe ee ugu coddeeyey sida aan kala hadhka lahayn.

“Waxa aan u mahadcelinayaa dhammaan ba intii gacanta ka geysatay in uu shirkani si wanaagsan oo qurux badan innoogu qabsoomo, dhammaan Madaxda, Taageerayaasha, Ergooyinka kala duwan eek a kala yimi Qurbaha iyo goballada dalka ee Xisbiga WADDANI, marka hore walaaleyaal hambalyo, waxa aan idin lee yahay waa bilow gii guusha ee aad rajeynayseen, waxa kale oon habalyeynaynaa walaalkeena ku guulaystay Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga WADDANI Dr.Maxamed Xaaji Cali, waxa kale oon si gaara ugu mahad-naqayaa saaxiibkay, walaalkay guddoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, waxa aan ognahay in kalsoonidii nu ay tahay xil culus oo ah ka midho dhalinta himilada dalkeenu ay ka sugayaan Xisbiga WADDANI, runtii waa kalsooni aan culayskeeda dareemaayo, waxa aan idin ka guddoomay mas’uuliyadda culus ee aad I saarteen, taa macnaheedu na maaha in aan ahayn kii idiinku fiicnaa ama idiin ku kartida badnaa.”.

Ambassador Maxamed Xaaji Cali oo isna halkaas ka hadlay, ayaa ka dareen celiyey xilka Murashaxnimo ee loo doortay, waxaana uu yidhi:

“Aad iyo aad, ayaan idiin ku mahad-naqayaa intii nii ii codeysay iyo intii nii Axmed u codeysay ba, waxaana aan lee yahay Somaliland ha noolaato.”,

Axmed Muumin Seed oo markii uu baxay isagoo cadhaysan hadal kooban saxaafadda siiyay ayaa wuxuu sheegay inay ahayd in markii murashixiinta codka loo qaadayay magaciisa la horumariyo maadaama oo uu ku xigeen u ahaa guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro.

Xubno ka mid ah xisbiga KULMIYE iyo weliba masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo ilaa shalay barqadii gaaf wareegayay duleedka hoteelka uu shirku ka socday, ayaa u muuqday inay sugayeen soo bixitaanka Axmed Muumin Seed, waxase ay ku guuldaraysteen inay gacanta ku dhigaan markii uu shirka ka soo baxay, isagoo si toos ah u raacay baabuurkiisa gaarka ah.