Xubno ka Tirsanaa Golaha Dhexe oo ka Baxay xisbiga WADDANI

0
931

Laba sarkaal oo ka mid ah xubaha golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa iska casiley golaha dhexe iyo xubinimaddii xisbigaasi, ka dib markii ay saluugeen sida uu u socdo hanaanka siyaasadeed ee xisbigu.

Labadan xubnood ee iska casilay xisbiga WADANI ayaa ah xubno ka soo jeeda degmada Qorilugud ee gobolka Togdheer, waxaanay sheegeen in sababta is casilaadooda keentay ay tahay in nidaamka xisbiga dhexdiisa uu khal khal ku yimi.

Saraakiishan oo kala ah Abokor Caamir Muuse iyo Cismaan Axmed Maxamed, waxay is casilaadooda xisbiga Waddani ku shaaciyeen shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen gudaha magaalada Hargeysa.

Siyaasi Abokor Caamir Muuse oo isagu ugu horrayn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta keentay is casilaadiisa waxanu yidhi “Anaga oo ka mid aheyn xisbiga WADANI islamarkaasina hishiis la galnay kana wakiil aheyn umad dhan, hishiiskii ay nala galeen oo ahaa mid awood leh, aheydna inaanu anagu dadkayaga keeno oo aanu iscadeyno oo aad ogeydeen oo aanu xaflado badan qabaney, in gabi ahaanba ay xisbiga Wadani ka baxeen hishiiskaasi.”

Abokor isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray “Intaas kadib markii ay hishiiskaasi ka baxeen waxaa dhacay khal khal kale, waxa aanu garanweynay cida hishiiska nala galeysaa cida ay tahay, iyada oo marna la leeyahay gudoomiyaha xisbiga ayaad hishiiska la galeysaan, marna hogaamiyaha xisbiga, markay taasi dhacday ee aanu aragnay in xisbiga dhexdiisa khal khal ka jiro, oo nidaamkiisu aanu hagaagsanyn waxaanu isla garanay anaga iyo dadkayagii aanu xaflada u qabaneyba min Burco ilaa Hargeysa in xisbigan Wadani aanaan la sii shaqeyn kareynin, inaan la aamini karin, markaa waxaanu halkan ka cadeynaa inaanu xisbigani ka baxney.”

Cismaan Axmed Maxamed oo isaguna ah xubinta labaad ee iska casishay xisbigan ayaa waxaa uu ku dooday inay jiraan iska hor keen dhinaca reeraha ah, waxaanu yidhi “waxaanu go’aan ku gaadhnay anaga oo markii horeba xisbiga galnay kana mid aheyn gudiyada iyo golaha dhexe ee xisbiga inaanu iska casilo, maadaama aanay jirin, cid ay wax ka go’aan oo ilaa hada la caddeeyay.”

Siyaasi Cismaan waxa kale oo uu intaasi ku daray “Teeda kale, waxaa la badelay nidaamkii u yaalay xisbiga mid danbe oo la sameeyay oo cid loo daba fadhiisanayaana aanay jirin, iska horkeena aanu u aragno dhanka reeraha ah, oo reer walbana gaar loola shirayo leyskana horkeenaayo, waxaanu go’aan sanay in aanaan la sii shaqayn xisbiga Waddani.”