Xaraaradda Siyaasadeed Ee Xisbiyada Qaranka Oo Cirka Maraysa, KULMIYE Oo Madaxweynaha Ka Sugaya Xukuumaddii Uu Kaambaynka Ku Gali Lahaa Iyo Wasiirrada La Filayo In Seefta Madaxtooyadu Sahayan Doonto

0
1174

Wakhti xaraaradda siyaasadeed ee xisbiyada qaranku si weyn kor ugu kacday bilo koobanina innaga xigaan wakhtigii la filayay in ay dalka ka qabsoonto Doorashada Madaxtooyadu ayaa waxa isa soo taraya xogo rasmi ah oo tibaaxaya hadal hayn badan oo laga daremayo in ay ka taagan tahay gudaha xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE wakhti la filayo in Madaxweyne Siilaanyo dhawaan oodda ka soo qaado isku-shaandhayn mug leh oo la xidhiidha Golihiisa Wasiirrada iyo dhismaha xukuumaddii kaambaynka xisbiga KULMIYE iyada oo xisbiga KULMIYE indho dareen leh maalmihii ugu dambeeyey ku eegayo dhaqdhaqaaqa xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI uu muddooyinkii ugu dambeeyey ku degay godad badan oo irmaan siyaasadeed ah.
Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa wargeyska FOORE u xaqiijiyey wasiirro la hadal hayo oo la filayo in ay seefta Madaxweynuhu la tagto iyo xubno baddalkooda la filayo in ay noqdaan kuwaasi oo qaar badan oo ka mid ah aan la ogayn cidda uu Madaxweyne Siilaanyo baddalkooda u soo qaadan doono wakhti ay xukuumaddiisa iyo muddo xileedkiisu gabo gabo ku dhaw dahay.
Ilo-wareedyada Xog-ogaalka ah ee arrintan la xidhiidhaa waxa ay FOORE u xaqiijiyeen in sababaha ugu waaweyn ee qaar badan oo ka mid ah xubno wasiirro ah oo aan magacyadooda xusi doonaa ay la xidhiidho saamaynta ay ku leeyihiin deegaamadooda oo aad u hoosaysa sidaa darteed hogaanka xisbiga KULMIYE Madaxtooyada ku cadaadiyey in la soo magacaabo kuwo deegaamada ay ka soo jeedaan uga saamayn badan maadaama ay innagu soo wajahan tahay doorashadii Madaxtooyadu oo wakhti koobani innaga xigto haddiiba ay wakhtigeeda ku dhacdo oo aanay xaqiiqo noqon hadal hayn sheegaysa in dib u dhac ku iman karo.
Wasiirrada qaarayaa iyana la sheegayaa in baddalooda ama eri goodu noqon karo arrimo farsamo oo la xidhiidha dhinaca xaalado siyaasadeed oo madaxtooyadu ujeedadooda dhabta ah ogtahay kuwaasi oo qaarkood laga yaabo in aan la eryin ee loo wareejiyo wasaarado kale.
Wararka xaaladdan la xidhiidhaa waxa ay xusayaa in wasiirrada la hadal hayo in ay mansabkooda waayi doonaan ama meelo kale loo baddali doono ay ka mid yihiin:
1. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Md. Khaliil Cabdilaahi Axmed
2. Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse
3. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse
4. Wasiirka Qorshaynta Qaranka Md. Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Shoombe)
5. Wasiirka Maaliyadda Zamzam Cabdi Aadan
6. Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Cabdilaahi Faarax Maydhane
7. Wasiirka Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim
8. Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani
9. Wasiiru dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees.

Dhinaca kale hadal haynta ugu badan ee arrinkan la xidhiidha ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xubnaha baddalkooda loo hayo wasiirradan qaar ka mid ah illaa imika la hadal hayo in ay noqon doonaan kuwo beelaha ay k asoo jeedaan ka soo jeeda oo muddoba hadal hayntoodu taagan tahay.