War Deg-deg Ah: Murrashaxiinta Madaxweynaha Iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ee Xisbiga WADDANI Oo La Doortay.

0
1113

Xubanaha golaha dhexe ee xisbiga Waddani ayaa waxaa ay cod gacan taag ah ku meel mariyeen in musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Noqdo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro Waxaa uu Helay oo u codeeyey 629 cod cid diiday ma jirto cid ka aamusteyna ma jirto.

Sidoo kale Xubnaha golaha dhexe ee xsbig Waddani ayaa waxaa ay si rasmii u doorteen  musharaxa madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga Waddani

Madasha hoolka waxaa fadhiyey 629 xubnood oo galaha dhexe ah

Amp.Maxamed Cali cabdi ayaa waxaa uu helay codad dhan  581

Axmed Muumin Seed ayaa waxaa uu helay codad dhan  44 Xubnood

Waxaa ka aamusay 4 Xubnood oo aan codadkooda la haynin

Waxaana xusid mudan in gudoomiye Ciro u Codeyey Musharaxa Axmed Muumin Seed

Sidaasna waxaa musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani ku noqdey Amp.Maxamed Cali Maxamed.