Jamaal Cali Xuseen Oo KULMIYE Ku Tilmaamay Mid Intii Uu Ku Fooganaa Burburinta UCID Uu Fadhataystay Xisbigii WADDANI,Kana Dareersaday Siyaasiyiin Miisaan Culus leh

0
1258

Jamaal Oo Isgarbinta Axsaabta Kumasalay Tartan Orod Oo Kale,Oo Nin La Moodayo In Laga Badiyay Uu Soo Kaco Uu Kuwa Kale Dhaafo

Warbixin Uu Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen soo dhigay Barta uu Bulshada kala xidhiidho ee Facebook-ga ayaa Waxa uu lafa-gur ku sameeyay halka ay iska matalaan Ciyaarta Orodka iyo Tartanka Siyaasadu,isagoo si gaar ah ugu dul istaagay Tartanka siyaasadeed ee ka dhex taagan Sidexda Xisbi Qaran,Waxa kale oo uu Carabka ku adkeeyay in Ciyaarta hadda socotaa ay udhexayso Labada Xisbi ee WADDANI iyo Kulmiye,halka Xisbigiisii UCID ku mashquulsan yahay Khilaafkii oo aan Wali meel ku tiirsamin.Waxa uu sidoo kale la hadlay Kulmiye oo uu u sheegay in intii ay madaxdiisu ku mashquulsanayd Burburinta UCID,uu WADDANI ka dareersaday Siyaasiyiin miisaan culus.
Waxa uu qoraalkiisa Aqoonyahan Jamaal ku yidhi sidan “Marka hore Jimce Mubaarak, salaan guud shacabka Somaliland; Beryahan baanu yara aamusnay, oo waxaan jeclaan lahaa bal inaan maanta is yara barbar dhigo tartanka orodka iyo tartanka siyaasadda;Tartanka siyaasadda iyo ka orodkaba ilaa xadhiga laysla jiidhayo oo orodku dhamaanayo, ma odhan karno cidaasaa guuleysatay iyo cidaa kale ayaa laga guuleystay. Laakiin marka orodku socdo ayaa marba cidi tartanka orodka ugu horeysa ee kooxda tartamaysa hogaaminaysa la yidhaahdaa hebel ama xisbi hebel baa imika hogaaminaaya. Markaa bal maanta waxaan ku cabirayaa isbarbardhigaasi labadda tartan ee ka siyaasadda iyo ka orodkaba qoraalkaygan kooban ee labadda qodob ka kooban.
1. Horta waxaan arkaayey in nin walba xisbiguu jeclaa marka ay in yar u korodho ama uu orodka markaasi dadka horkacaayo isu qaadanayaba in guushii la gaadhay oo laguba kala dareeray. Tusaale ahaa nin aanu is naqaano ayaa maalin igu yidhi waar idinku hadaad UCID tihiin waad hadheen. Markaasan ugu jawaabay oo maxaa dhacay saaxiib dee wei shirkayagii maanan qabsan oo wakhti kale ayaa noo dhimane. Markaasuu yidhi oo sowtan xisbiyaddii kale lagu kala biiray. Markaasan ugu jawaabay waa runtaayoo dee anaga weli meel laysku haysto ayaanu nahay oo wei xukunkii maxkamadda ka dib aan shirkii weli dhameystirmin, shacabkii Somaliland dee weli meel kumay biirin ee shakhsiyaad uun weeyi imika xaajaddu, dee dadkana imika ugu yeedhi mayno meel laysku haysto hadaanu UCID nahay ilaa inta ay wax kala miirmayaan. Anigoo hadalkaygii sii wata ayaan jawaabtaydii haddana isu barbardhigay orodka iyo siyaasadda markaasuu si fiican ii fahmay; taasaana runtii igu kaliftay qoraalkan kooban intaan maanta ka sameeyo. Jawaabtuu ninkii si fiican u fahmay ee aan ku idhi waxay ahayd; ” miyaanad ka warhaynin in orodyahankii dunidda ee caanka ahaa ee MO FARAH inta iyadoo orodkii lagu jiro intuu kufay oo orodkii aad looga tegay; ayaa intuu ka daba tegay ayuu weliba badiyey orodkii; markaa taasina miyaanay siyaasadaba meelo faro badan ka dhicin oo qof aan la fileynin ay aakhirkii guushu raacday, markaa indhahaagu yaanay ku koobnaan waxay arkaan uune waa inay ka fikiraan waxa suurtogal noqon kara. Ninkii odayga ahaa si wanaagsan ayuu hadalkaasi u qaatay ama uba fahmay. in imika nalaga horeeyo oo aanu sidii MO FARAH ka soo kaban karno oo weiba badin karnana si wanaagsan bay ugu duxday ninkii odayga ahaa ileyn Ilaahay baa guusha hayee.
2. Taasi haddii aan ka tago; qodobka labaad ee isbarbar dhigu waxa weeyaan. Orodadda dhaadheer oo ka siyaasadda la mid ah miyeeydaan arag in orodyahano qof ay doonayaan inay iska reebaan uu kolba nin hor orda oo xiijiya ay u sameeyaan; halka kuwa kalena uga nasanayaan. Markuu orodku soo dhawaadana kii la xiijiyey uu aayar khadkaba ka baxo oo raggii kolba isku nasinaayey uu marka danbe iyaga tartanka ugu danbeeyaa uu noqdo. Malaha waxaabad moodaa in arrinkaasi uu imika u ekaaday xisbiyaddii Somaliland, oo uu Kulmiye kolba qoladda yara cadcad uu eryanaayo. Beryahaasi oo dhan UCID burburkeeda iyo reebisteeda ayeey ku mashquulsanaayeen. Markii danbena xisbiggii Waddani ayaa siyaasiyiin tii isbahaysiga Kulmiye ku biireen oo ay imika isku maran yihiin; halka ay UCID u nasanayso. Inta danbena idinka ayaan idiin daynayaa. Siyaasadduna waa sida orodadaasi oo kale ilaa marka ugu danbeysa weeye xaajaddu. Laakiin malaha qolooyinkan siyaasadda ku jiraa tii Ilaahay umaba muuqatoo iyagoo mar qudha ku tiraabaaya arki maysid ee waxaabay isla markiiba isa siiyaan guusha; hadda waa marka ay orodka ugu yara horeeyaan oo waxaabad moodaa inay tarbuunka ama dadweynaha sacabka u tumaya ay kolba la ciyaarayaan iyagoo aanu weli orodkii dhamaanin.
Wa bilaahi tawfiiq.
Jamaal Cali Xuseen
Murashaxa Madaxweyne ee Xisbigga UCID