“Heshiiska Berbera Waxa uu Noqon Doonaa Marin ay Somaliland Iyo Dunidu ku wada Xidhiidhaan”

0
978

Dekedda magaaladda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu wadaa inay sannadkii ka degaan ilaa laba milyan oo kontiinar, marka la dhammaystiro dib u dhiska ay dekada ku samaynayso shirkada Imaaraadka ee DP World sannadka 2019.
Sidaana waxa sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr.Sacad Cali Shire.

DP World iyo Somaliland, ayaa dhowaan kala saxeexday heshiis lagu horumarinayo Dekada Berbera oo ku kacaya 440 milyan oo Doollar, waxaana lagu tilmaamay mid faa’iido weyn u leh Somaliland haddii uu hirgalo.

Dr. Sacad Cali Shire oo u waramayay Barnaamijka focus on Africa ee Idaacada BBC, 19 Oktobar, waxa la weydiiyey sababta loogu baahan yahay in dib loogu dhiso dekada, waxaana uu sheegay in dekadda wakhti hore la dhisay, isla markaana awoodeeda shaqo hoosayso, sidaa awgeedna la doonayo in la horuamriyo.Dr. Sacad waxa uu yidhi “Dekedda Ruushka ayaa dhisay sanadkii 1960-kii, sanadkii 1982, waxa qeyb fidin ah ku daray Maraykanka, wixii xilligaa ka dambeeyayna aan waxba lagu darin.”

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in loo baahday in Dekedda shaqadeeda kor loo soo qaado, maadaama awood ganacsi iyo dhaqaalaha Geeska Afrika kordhay.Sidoo kale waxa uu sheegay in la doonayo in Dekeda shaqadeeda ay ka faa’iidaystaan dalalka deriska ee Dekeda lahayn oo ay ugu horayso Ethiopia. Sidoo kale waxa la doonayaa in Berberi noqoto marinka xoolaha ka dhoofa Geeska Africa oo xilliganba ay horseed u tahay xoolaha u dhoofaya Khaliijka Carabta.

Dr. Sacad oo ka waramayey shaqada Dekedda waxa uu sheegay in sannadkii ay ka degaan 77 kun oo kontiinar sanadkii,taas oo aad iyo aad uga hoosaysa marka loo eego Dekedaha kale ee ku yaala Geeska Africa, laakiin Dr. Sacad waxa sheegay inay ku tallo jiraan in sanadkii ay ka degaan ilaa laba milyan oo kontiinar,marka la dhammaystiro mashruuca.
Dr. Sacad oo la weydiiyey sida uu noqon doono maamulka Dekedu waxa uu sheegay in Dekedda ay wada maamuli doonaan maamul labada dhinacaka koobana ma waxa loo yaqaan (Join Venture Company).
Waxa kale oo la weydiiyey in si sharciga waafaqsan loo hirgeliyey heshiiska, waxaana uu ku jawaabay “Haa, waxa dhinaca sharciga la taliyeyaal noogu ahaa Kambaniyo reer Britain ah oo qaabilsan Dekedaha. DP World waa la yaqaan oo 77 Dekedood oo Ingiriisku ku jiro ayey gacantaku haysaa, sidaa awgeed doorashadii ugu wanaagsanayd ayey ahayd, sharci ahaana si sax ah ayaanu u hirgelinay.”

Dr. Sacad waxa kale oo la weydiiyay in Dawlada Imaaraadka Berbera laga siiyey saldhig dhinaca cirka ah, isaga oo su’aashaa ka jawaabayna waxa uu sheegay in taasi tahay codsi ka yimi Dawlada Imaaraadka, balse aanay weli dhammaanin, waxa uu intaa raaciyey intaasi u baahan tahay ansixin Goleyaasha ah ama dhinaca sharciga ah, sidaa uu dhigayo dastuurka Somaliland.
Wada hadalka DP World iyo Somaliland oo bilowday sanadkii 2015, ayaa haatan gebageboobay, haddii uu hirgalna waxa uu noqon doonaa marinka ay Somaliland iyo Dunidu ku wada xidhiidhi lahaayeen.