Ex. Wasiir Maxamed Biixi Oo Shaaciyey Inuu Xisbiga WADDANI Beel Gaar Ah U Xidhnaa Ka Hor Intii Aan Xubnaha Is-Bahaysigu Ku Biirin

0
1309

“Maanta Dadku Aad Buu Noogu Tahniyadeeyey Kuraasida Cusub Ee La Sameeyey ….Aqoon Cusub Oo Ka Ballaadhan Kii Hore Ee Beelaha Ku Dhisnaa In Laga Gudbay Oo …”

Wasiiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo dhawaan ku biiray xisbiga, ayaa markii ugu horraysay shaaca ka qaaday inuu xisbiga uu xubinta ka yahay ee WADDANI uu ahaa mid qabiil iyo reero gaar ah u xidhan ka hor intii isaga iyo saaxiibadii aanay ku biirin.

Maxamed Biixi oo uu warramay wariye Xamse Cali Bulbul oo katirsan HCtv, ayaa dhinaca kalena dhaliilay qaabka ay u dhisan tahay saami-qaybsiga kuraasida muhiimka ah ee xukuumaddii uu katirsanaan jirey ee KULMIYE, waxana uu hoosta ka xarriiqay in arrintaasi aanay ahayn wax la aqbali karo.

Ugu horrayn Ex. Wasiir Biixi waxa uu hoosta ka xarriiqay in ku-biiristoodii xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ay bulshada maankooda ka saari doonto sawirkii qabiilku ku dheehnaa ee xisbigaasi caanka ku ahaa, “maanta dadku aad buu noogu tahniyadeeyey kuraasida cusub ee la sameeyey, horumar cusub iyo aqoon cusub oo ka ballaadhan kii hore ee Beelaha ku dhisnaa laga gudbay oo uu maanta xisbiga WADDANI gaadhay heer qarranimo oo waxayagaas oo dhan oo kala beelo ahi aanu kusoo biirno.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi.

Ex. Wasiir Biixi waxa hoos u dhigay oo uu wax aan agtiisa macno ka lahayn ku sheegay kuraasida asxaabtiisa qaar kamid ah oo uu Ex. Wasiir Xirsi kamid yahay laga siiyey xisbiga WADDANI, wadana uu sheegay inuu kuraasidaas ka doorbiday talooyin uu siiyo guddoomiye Cirro,“Ragga talooyinka kuu biirinaya ninka odayga ah, laakiin kuraasi yar yar oo xagga hoose ah xiiso weyni iima hayo.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

Maxamed waxa uu eedo u jeediyey qaabka beelaha Somaliland loogu qaybiyey kuraasida xukuumaddii uu kasoo tirsanaa ee madaxweyne Siilaanyo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,waxa la inagu eedeeyaa inay beesha dhexe meelihii waaweynaa oo dhan haysata, inaynu dadka wax la qaybsannaaa waa waajib oo madaxtinimada iyo kuraasida umadda reer Somaliland oo dhammi ay iska dhex aragto.”

Shaambadda uu ex. Wasiir Xirsi ku dhuftay xisbiga uu la midoobay ee WADDANI, ayaa xoojinaysa aragtiyo waxgarad badan oo dhinaca siyaasadda u dhuun daloolaa qabaan, kuwaas oo xisbiga WADDANI ku sheega inuu yahay dallad qoys gaar ah u xidhan, balse hoggaanka xisbigaasi way iska difaacaan eedaymahaas.