“Dib Halloogu Noqdo Qiimaha Ay Ku Yimaadeen Labada Markab Ee Xirsi Sheegayo Oo Uu Keenistooda $40 Milyan Ku Qaatay”

0
1076

Mr.  Maxamed X. C/raxmaan  Xildhibaan Golaha Guurtida Ka Tirsan Oo Kabaha La Dulmaray Xirsi Cali X. Xasan

Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan oo kamid ah golaha guurtida Somaliland, ayaa si weyn uga biyo diiday dhaleecayn aan cilmi ku dhisnayn oo uu wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland dhawaan u jeediyey guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Xildhibaan Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inaan Ex. Wasiir Xirsi iyo murrashax Muuse Biixi ahayn laba shakhsi oo la is barbar dhigi karo, waxana uu hoosta ka xarriiqay in shacabku ka wada dheregsan yahay taariikhda guddoomiye Muuse Biixi,“Muuse Aqoon nin lagu caaridayo maanta ma aha, waxqabadna haddii qofku quruxda Somaliland maanta leedahay raggii dhaliyey lagu qiimayn waayo inan yar oo shalay halkuu joogay, wuxuu ka shaqaynayey iyo mabaad’iidii uu aaminsanaa la ogaa inuu Muuse isa soo garab dhigo waxba yeelimayso Muuse.”ayuu yidhi Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa wasiirkii hore ee madaxtooyada xasuusiyey hanti qaranku lahaa oo loo tirinayo inay gacantiisa ku baxday, kuwaas oo uu sheegay inuu ka qabsaday hantida uu maanta ku faano, waxana uu yidhi,“Qarankani waa qaran jira oo miisaaniyad leh, labada Markab ee uu Xirsi sheegayaa waa labadii uu afartanka Milyan ee dollar ku qaatay ee uu ku cunay, dib halloogu noqdo sicirrada iyo qiimayaasha ay ku  yimaadeen waa kuwii umada lagu boobay maraakiibtaasi.”

Waxa uu xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan sheegay in dariiqii  Ceerigaabo ee qaranku dhisayey uu ka raystay Ex. Wasiir Xirsi, isla-markaana uu meel fiican marayo,“Waddada labeen yarbaa la saarayey, maantana iyada oo bilaa buuq ah oo aan jeebadaha umadda la baadhanayn bay meel wanaagsan maraysaa taariikhduna way qori doontaa.” Ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan.