Xukuumadda Oo Fashilisay Deyntii Mashruuca Wadada Ceerigaabo Ee Xirsi Wareejiyey Markii Uu Istiqaallada Dhiibay

0
1363

“Xirsi Waxaan Odhan Lahaa Waar Dee Adiguna Maalin Baad Xilka Haysay, Maantana Nin Kaaga Sii Dhaw Baa Joogee…..”

 “Wasiirka Dembe Waxaa Uu La Wareegay  Daamur Uu Ka Tegey Xirsi Oo Deyn Dhan $27,00,000 Lagu Leeyahay Iyo Weliba Lacag Dhan $3 Milyan Oo Deyn ah Oo Mashruucu Ku Socday”

“Dee Saaxiibkay Madaxweyne Ayaa Magacaabay, Anigana Madaxweyne Ayaa Mashruuca Ii Igmaday Ee Maaha In Wixii Aanu Gacanta Ku Haynay Uu Buunbuuniyo”

Xukuumadda  Somaliland ayaa markii u horreysay ka jawaabtay hadallo kasoo yeedhay wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo haatan ka tirsan xisbiga Mucaaridka Ah ee WADDANI. Kusimaha Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka JSL ee SRA (Somaliland Road Authority) ahna ku xigeenka maareeyaha hay’addaasi Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) oo maalintii shalay warbaahinta maxalliga ah kula hadlay xafiiskiisa magaallada Hargeysa ayaa ka jawaabay hadallo ku saabsan dhismaha waddooyinka dalka gaar ahaanna wadada Ceerigaabo oo Wasiirkii hore ee madaxtooyadu ku faannay hirgelinteeda iyo suurto-gelinta dhismaheeda mudadii uu xilka hayay, hadalkaas oo uu maalintii dorraad Xirsi ka jeediyey furitaankii shirkii golaha dhexe ee xisbiga WADDANi uga furmay magaallada Hargeysa. Maareeye ku xigeenka hay’adda SRA Md. Dhoodi oo sharraxaad ka bixinaya hadallada ay xafiis ahaan ka jawaabayaan ayaa ku tiraabay “ Waddadu mudadaas ay socotay dhisme ahaan waqtiyo kala duwan ayay soo martay. Waxaa xalay [habeen hore] illaa maanta [shalay] aan maqlayay oo saxaafadda ku jiray warbixin uu jeedinayay wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo aanu mudadii uu xilka hayay shaqada wada bilownay, oo yidhi Mashruucaasi [wadada Ceerigaabo] wax aniga igu kooban uun buu ahaa”. Sidaa ayuu yidhi Maareeye ku xigeenka Hey’adda Waddooyinka Somaliland ee SRA Md. Maxamuud Daahir  Jaamac (Dhoodi), waxaana uu intaa ku daray “waxaan meesha ka cadaynayaa; Wasiirka waxaa magacaaba Madaxweynaha, Maareeyahana Waxaa Magacaaba Madaxweynaha, sidaas darteed Mashruucaas aniga ayaa Maareeye [Manager] ka ahaa oo digreeto madaxweyne ayaa la igu magacaabay intii uu [Xirsi] nala shaqaynayayna dee wasiirkayagii buu ahaa oo [line minister] buu noo ahaa, immikana wasiir kale ayaa nala jooga oo line minister noo ah oo waa wasiirka hawlaha guud oo markii horeba wasaaraddiisa laga wareejiyey hawsha waddooyinka, kaasi oo immika intii uu joogay shaqo aad u ballaadhan ka qabtay mashruucan”. Ayuu hadalkiisa ku daray Maareeye ku xigeenka SRA. Mar uu ka hadlayay halka ay marinayaan hawsha ay haatan gacanta ku hayaan  waxaa uu yidhi “Waddadu waxaa weeye cabirkeedu   284KM [Laba boqol iyo Sideetan iyo afar Killo Mitir], Xilligii uu wasiirkii hore ee madaxtooyadu joogay wadadu waxaa ay maraysay 24Km oo Daamur ah iyo 82Km oo Carro tuul ah, maanta wadadu waxay maraysaa 104Km oo Daamur ah   iyo wadada inteedii kale oo dhan oo Carro tuulkii wada yaallo marka laga reebo 20Km oo keliya, halkaa waxaa ka cad in maalintii  uu Xirsi ka tagay meeshii ay maraysay iyo maanta halka ay marayaa ay aad u kala fog yihiin. Waxaan MEesha ka cadaynayaa in maalinba maalinta ka dembeysa uu waxqabadku kasii labanlaabmayay”. Ayuu hadalkiisa ku daray. Mar uu faahfaahiyey Mr. Dhoodi deyn uu ka tagay wasiirkii hore oo ubadnaa Daamur waxaa uu yidhi “Waxaan Maqlayay 54 foosto oo Daamur ah oo uu katagay, runtii boqolkiiba toddobaatan [70%] deyn bay ahayd oo wasiirka dembe ayaa la wareegay oo waxay ahayd laba milyan iyo toddoba boqol oo dollar bay ahayd. Saddex milyan oo dembe oo mashruucii shaqadu ku socdayna wasiirka dembe wuu kala wareegay, markaas dee deyntaas daamurka iyo lacagtaasba wasiirka ayaa la wareegay”. Maareeye ku xigeenka hay’adda waddooyinku waxaa uu farriin u diray Xirsi Cali Xaaji Xasan “ Dee Saaxiibkay In wixii aanu gacanta ku haynay uu buunbuuniyo maaha, isagana madaxweyne ayaa magacaabay, anigana madaxweyne ayaa hawsha ii igmaday shaqada mashruucana aniga iyo Injinneerada ayaa gacanta ku haynay markaa xirsi waxaan odhan lahaa waar dee adiguna maalin baad xilka haysay, maantana nin kaaga sii dhaw oo hawlaha madaxtooyada aan ku mashquulsanayn ee hawlaha guud iyo wadada gacanta ku haya ayaa jooga ee bal dib isugu noqo”.  Gebogabadii hadalkkiisa waxaa maareeye ku xigeenka wax laga weydiiyey goorta ay dhammaanayso wadadu ee ay ku rejo weyn yihiin inay ka faraxashaan qabyotirkeeda waxaanu yidh “Sida aan idiin sheegay labaatan kiilloo mitir wax ka yar ayaa isku xidhkii carro kaawada ka dhiman, 180Km-na daamurkii baa u dhiman, waxaana aanu ku rejo waynahay in sida ugu dhakhsaha badan ay sanadka 2017-ka nagaga dhammaato”.