Mujaahid Maxamed Kaahin Oo Sheegay Inaanu KULMIYE Boos U Hayn Siyaasiyiinta Xamar Ku Soo Hungoobay Iyo Soo Dhawayntii Uu Hore Ugu Sameeyey Axmed Ismaaciil Samater

0
882

Shalay: “Axmed Ismaaciil Samater Waxaan Leeyahay KULMIYE Ku Soo Dhawaw, Aqoonyahankii Xisbiga Ayaad Tahay”

Maanta:”Xisbiga KULMIYE Meel Uma Hayo Nin Umadiisa Khiyaameeyey Oo Xamar Ku Soo Hungoobay”

Guddoomiye kuxigeenka xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa weerar afka ah ku qaaday Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI kana mid ahaa siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda ee mudada dheer ku maqnaa dalka Somalia balse dalkiisa ku soo guryo noqday.

Maxamed Kaahin oo ka hadlayay madal uu xisbiga KULMIYE u qabtay masuuliyiin hore uga tirsnaa xisbiga oo ka dhacday magaalada Gabiley ayaa waxa uu sheegay inaanu xisbiga KULMIYE boos u haynin siyaasiyiin Xamar ku soo hungoobay oo dalkooda khiyaameeyey waa sida uu hadalka u dhigaye, sidoo kalena waxa uu aad u yasay hogaanka xisbiga WADDANI ee soo dhawaynta diiran ku qaabilay ragga Xamar ka soo noqday isagoo ula jeeda Ismaaciil Hurre Buubaa, Maxamed Kaahin hadalkiisii waxa ka mid ahaa:

“KULMIYE ku soo biiri maayo, mana imanayo nin umadiisa khiyaameeyey, oo Xamar tagey oo ku soo hungoobay KULMIYE meel kuma laha, qolada xisbiga WADDANI ee raggii Xamar tagay moodaya inuu Nimiri u soo caariday waxa la ururinayaa dadkii umadoodu ku khasaartay”.

Inkastoo uu hadalkaas ku tiraabay Mujaahid Maxamed Kaahin hadana wxaa xusid mudan inuu badhtamihii sanadkan xisbiga ku soo dhaweeyey Prof Axmed Ismaaciil Samater oo isaga laftiisu ka mid ahaa siyaasiyiinta sida wayn uga soo horjeeday qadiyadda madax banaanida Somaliland, hadaba mar uu Maxamed Kaahin soo dhawaynayay Axmed Ismaaciil Samater waxaa ka mid ahaa hadaladii uu ku qaabilay:

“Professor xisbiga KULMIYE wuu ku soo dhawaynayaa, xisbiga KULMIYE taladiisa iyo arrinkiisa iyo talawadaagiisa iyo horumarkiisa qaybaad ka tahay, odaybaad ka noqonaysaa odaybaad u tahay waanu kugu soo dhawaynaynaa”.

Waxaa xusid mudan in Axmed Ismaaciil Samater oo uu sidaas Maxamed Kaahin u soo dhaweeyey uu ka mid yahay shakhsiyaadka tirada yar ee geed walba u fuulay inay is-hortaagaan qaddiyadda Somaliland, kahor intii aanu mawqifkiisa bedelin.

Todobaadkii hore ayuu sidan oo kale Mujaahid Maxamed Kaahin dhaleeceeyey tallaabo uu hore u u qaaday 24 sano ka hor, todobaadkana sida muuqata waxa uu ceeb ku tilmaamay arrin uu hore ugu talaabsaday oo ah soo dhawaynta siyaasi Xamar ku soo hungoobay.