Akhriso Qudbada Uu Gudoomiye Ciro Ka Jeediyey Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Waddani ,Kuna Soona Bandhigay Barnaamijka Siyaasadeed Ee Xisbiga .

0
943

Walaalayaal marka koobaad Ilaahay ayaa mahad leh, waxaana farxad weyn ii ah inaan idinka iyo shacbiga reer Somalilandba u soo bandhigo qorshaha 5 sano xisbiga Waddani ku hogaaminayo.

Walaalayaal, mudanayaal iyo marwooyin, fikir dheer, iyo sacado badan oo shaqo ah ka dib, waxa aan calaamadinay oo isla tilmaansanay mashaakilka horteena yaalla ee aan la noolnahay, waxa aanan dajinay siyaasadihii iyo qorshayaashii lagu wajihi lahaa dhibaatooyinkaas. Sidaas darted, Waddani waxa uu soo ban-dhigayaa qorshe ka kooban lix ‘tiir’ oo wawayn, kuwaas oo aan uga gol leenahay in lagu beego meelaha ugu daran ee aan u aragnay in loo baahanyahay wax ka qabadkooda, si loo gaadho wadan la aqoonsanyahay, isla markaana xasiloon oo barwaaqo ah.

NABADDA, MIDNIMADDA Iyo XOOJINTA QARANIMADA

Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran madaxbanaan, aqoonsiga caalamkuna waa hadaf lagu gaadhi karo isku-duubnaan, xoojinta dimuqraadiyadda gudaha iyo istratejiyad sugan oo lagu dhiso xidhiidhka caalamka.

Qarankani wuxuu buuxiyey dhammaan shuruudaha dawladnimo taam ah.

Waxay Xukuumadda WADDANI diyaar u tahay in ay xoogga saarto furdaaminta caqabadaha aqoonsiga hortaagan, iyada oo ay dhisayno xidhdhkeena caalamaka, xoojinayna danaha iyo xidhiidhka aynu la wadaagno dalalka deriska ah iyo kuwa kale ee caalamka. Waxaanu diyaar u nahay wadahadal midho-dhala in aanu walaalaha Somalia la yeelano, kaas aanu aaminsanahay in aanu ku guulaysan karno dhismaha laba dawladood.

Waxaa noo fududaynaya hawsha aqoonsi raadinta, tacabka gudaha aynu gelino ee adkaynaya dhismaha qaran adeegsada habka dimuqraadiyadda wada-tashiga, ku dhaqma qaynuunka, oo ka nadiifoobay musuq-maasuqa iyo qaraabo-kiil; kaas oo ilaaliya xuquuqal-insaanka, xoriyadaha asaasiga ee dadka iyo ku-dhaqanka heshiisyada caalamku dhigtay.

Waxaanu sugaynaa midnimada dadka iyo dalka, anigoo ku salaynaynaa siyaasadda saami-qaybsiga kuraasta golayaasha qaranka, kuw xukuumadda iyo khayraadkiisaba oo caddaalad ku dhisan. Waxa Xukuumadda WADDANI garowsantahay tabashada bulshooyinka Sool iyo Sanaag Bari. Waxay balanqaadaysaa in hirgeliso xal waara oo ku dhisan wada-tashi iyo wax-wada lahaansho si aynu u dhalino isaamin bulsho oo waara inoona horseeda nabad taam ah iyo barwaaqo.

Waxay Xukuumadda WADDANI Xoojinaysaa Difaaca Qaranka iyo Ammaanka Muwaadinka:

Waxaynu salka nabaddu and ammaanku ku dhisanayahay marka hore ka dhigaynaa caddaaladda ummadda dhexdeeda. Waxaynu marka labaad ku dhisayna kaalinta ciidanka qaranka.

Ciidanku waa astaanta, midnmada iyo badbaada qaranka. Waxaanu dhisaynaa awoodda buuxda ee ciidanka qaranka- qaybihiisa kala duwan- si uu u sugo difaaca dalka isaga oo ka diyaarsan dhinacyada saanadda iyo tababarka. Waxay dawladda Waddani ahmiyad siinaysaa daryeelka ciidanka iyo qoysaskooda qaybihiisa kala duwan: Ciidanka qaranka bad iyo Cirka, booliska qaranka, iyo qaybiisa sirdoonkaba. Waxaan kordhinaynaa mushaharkoodaa, waxaan dhisaynaa Cusbitaalo u gaara ciidamadeena iyo qoysaskoodaa aan imika haysan daryeel caafimaad.

DIB-U-QAABAYNTA MAAMULKA IYO SIYAASADDA DALKA (POLITICAL REFORM)

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay samaynaysaa isbeddel siyaasadeed oo qoto-dheer (political reform), iyada oo dhisaysa dawlad u shaqaysa hab daah-furan isla-markaana ay caddaaladdu u tahay udub-dhexaad siyaasadeeda, dhismaheeda iyo hawl-galkeedaba, hal-ku-dhegeeduna yahay in dadka hel adeeg hufan oo wada gaadha loona simanyahay.

Xukuumadda WADDANI waxay Samaynaysaa Guddida Dib u Eegista iyo Qabyo-tirka Dastuurka Qaranka. Guddidaasu waxay ka talo-bixinaysaa sidii Dastuurku ula jaan-qaadi lahaa geeddi-socodka habka dimuqraadiga wada-tashigu, korriinka dawaldnimada iyo isbeddelka wax-wada-lahaasho ee aynu dhidibada ugu aasayno midnimada ummadda. Waxay Hirgelinta saamiga haweenka Golayaasha dawladda 30%, iyo kor u qaadidda ka qaybgalka xukuunka heer walba bulshada dulman.

KORRINTA MIISAANIYADDA IYO DIB-U-HABAYNTA MAAMULKA MAALIYADDA IYO XISAABAADKA:

Xukuumadda WADDANI waxay labanlaabaysaa miisaaniyad sannadeedka oo gaadhsiinaysaa ilaa $500 malyuun, taas oo shanti sannadood noqonaysa 2.5 bilyan. Dakhligaa waxay Xukuumadda Waddani u qoondaynaysaa 30% horumarka. Siyaadeedna ma aha in cashuur culays keenta soo kordhisa ee waa in ay ta waajibtay hagaag u maamushaa.

Waxay Xukuumadda WADDANI dib-u-habayn buuxda ku samaynyasaa hab-xisaabeedka iyo maamulka maaliyadda dawladda. Waxay, adeegsanaysaa hab-xisaabeed casri ah. Waxay waddo cad u jeexaysaa, xeer cad iyo xisaabtan cadnaysaa bixinta qandraasyada dawladda. Tandharradu waxay noqonayaan qaar qof kasta oo muwaadin ah oo buuxiya shuruudaha iyo xeerka u dhigan uu raadsan karo, ayna caddahay sifaha lagu raadsado iyo sifaha lagu helaaba.

Waxaa ka go’an Xukuumadda WADDAI in ay sida ugu adag ula dagaalanto aafada musuq-maasuqa, eexda iyo qaraabokiilka, laaluuska iyo xatooyada xoolaha ummadda. Waxay hirgelinaysaa xeerka lagu xakamaynayo aafadaas, laguna awoodaynayo hay’daha ku shaqo leh.

Waxay si buuxda ula dagaalamaysaa Qabyaaladda iyadoo abuuraysa Komishanka La Dagaalanka Qabyaaladda oo awood sharci oo buuxda yeelanaya, ujeeddo cad iyo hadaf adagna leh.

TAYEYNTA IYO DARYEELKA SHAQAALAHA

Xukuumadda WADDANI waxay dadka reer Somaliland ugu bishaaraynaynaa in qaadashada shaqaalaha dawladda iyo dalkaba guud ahaan ay noqon doonto mid ku dhisan “Karti iyo aqoon” ee aan ku dhisnayan “eex.” Sharciga iyo habka shaqaalaha lagu qaataa wuxu noqon doonaa mid sida dharaarta u cad oo shaqada banaani ay caddahay, sida loo raadsadaa ay caddahay, sida loogu tartamo iyo tartanka loo galaaba ay cad yihiin, natiijada ka soo baxdaana ay caddahay.

Waxay Xukuumadda WADDANI kor u qaadayna mushaharka shaqaalaha waxaanuu si joogta ah ula jaanqaadidoonaa isbeddelka maciishadda suuqa. Waxay dhinaca kale adkaynaysaa kula-xisaabtanka shaqaalaha saacadaha shaqada oo ah hanti qaran, lunsadkeeduna xaaraan yahay.

TAYEYNTA GARSOORKA

Kuxuumadda Waxay dib u habaynaysaa Waaxda Garsoorka, xoojinaysaa madax-banaanideeda; waxay kor u qaadaysaa miisaaniyadeeda si ay awood taam ah u yeelato. Waxay taageeraysaa gargaarka dhinaca sharciga (legal aid clinics) ee dadka aan dhaqaale ahaan u awoodin, si ay u xaqiijinayso sidii aanay caddaaladdu u noqon wax dadka danyarta ahi ay ka maagaan. Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah waxay ahaan doonaan qaar heerka takhasuska aqoonta iyo waaya-aragnimada sharciga dastuuriga ah (Constitutional Law). Waxay soo celinaysaa isticmaalka habka xeer-beegtida madaxa bannaan (Jury) ee kiisaska Maxkamadaha ka qayb-qaata si loo sugo caddaaladda.

WAAXDA XEER DEJINTA

Xukuumadda WADDAIN waxay ka duulaysaa in golayaasha xeer dejintu yihiin rukunka ugu muhiimsan ee dawladnimada iyo ku dhaqanka habka dimuqraadiga iyo wada tashiga. Sidaa awgeed waxay xaqiijin doontaa kala madaxbannaanta iyo isu-dheelli-tirka saddexda dhardhaar ee nidaamka dastuuriga ah ee aynu qaadannay. Waxay Xukuumadda WADDANI xaqiijinaysaa dhamaynta Saamiqaybsiga Gobolada ee kuraasta iyo hirgelinta sharciga doorashada Golaha Wakiilada Sannad Xileedkeed kowaad. Waxay meel ku tiirinaysaa sidii sharciga hab-doorasheedka Guurtida loo dhamayn lahaa. Waxay ku dadaalaysaa in Is-kaashi hufan ka jiro dhinaca diyaarinta iyo hir-gelinta xeerarka dalka u baahan yahay ee ay wada leeyihiin Waaxda Fulinta iyo Golayaasha Xeerdejintu.

  1. XAQIIJINTA KOBOCA DHAQAALAHA IYO SHAQO-ABUURKA

SIyaasadda Dhqaalah ee Xukuumadda WADDANI waxaa hadaf muhiim ah u ah shaqo-abuur si shaqo’laanta maanta joogta 60% hoos looga dhigo ilaa boqolkiiba 20% la geeyo. Waxa kale iyan hadaf ah in aynu wax-soo-saarka gudaha kor u qaadno, si aynu u dheeli-tirno qiyaasta maciishadeena aynu dalka gudihiisa kala soo baxno oo iminka ah 8.5% keliya inta kalena aynu dibedda ka keeno oo ah 91.5%. Dal sidaas u nool wuu yaryahay, marka lagu daro kuwa shidaalka leh.

Waxay Kor u qaadaysaa wax-soo-saarka soo-jireenka ah (Xoolaha, Beeraha, iyo Kalluumaysiga) oo saldhig u ah siyaasadda “quudinta qaranka” (Food security); Waxaynu Xaqiijinaynaa soo saaridda khayraadka shidaalka iyo macdanta oo saldhig u ah in la sugo kobcinta dakhliga bulshada maanta iyo jiilalka soo socda dhigaalkooda; waxaynu Kobcinaynaa qaybta maaliyadda ee dhaqaalaha (financial sector) sida xawaaladaha, bangiyada iyo xidhiidhka hay’adaha maalgashiga iyo maaliyadda ee caalamka. Waxaynu kobcinaynaa dhaqaalaha adeegga iyo teknoolajiada ee soo koraya sida isgaadhsiinta. Waxay xoojinaysaa maal-gelinta awoodda dadka (human resource) si shaqaale aqoon, farsamo iyo xirfad leh u soo baxo. Waxaynu Maalgelinaynaa kaabayasha Dhaqaale ee waaweyn sida Waddooyinka, madaarada, dekedaha, tamarta korontada, biyaha, iyo guud ahaanba korrinka xirfadaha adeegsiga teknooljiyada casriga ah.

Waxaynu Ka faa’iidaysanaynaa barta aynu naalo ee qiimaha weyn leh inagoo dhiirri-gelinayna is-kaashiga iyo isu-furidda dhaqaalaha gobolka Geeska Afrika oo uu xudun muhiim ah ka yahay mashruuca “Marinka-Berbera”. Waxaynu Dhiirri-gelinaynaa hal-abuurka dhalinyarada iyo Koboca aqoonta iyo awoodda haweenka bayacmushtarka iyo wax-soo-saarkooda.

Yaraynta Saboolnimada:

Waxaynu ognahay in saboolnimdu in ay sii korodho mooyaane aanay marnaba hoos u dhicin oo maanta la inagu sheego in aynu ka mid nahay dhawrka dal ee ugu fakhrisan dunida intaa le’eeg. Waxaynu dejinaynaa siyaasada xakamaynta sicir Baraka ee la xidhiidha dollarka heehaabaya iyo samaynta ku tiirsanaanta dhaqaalha wax-soo-dhoofsiga (import dependency). Waxay xukuumadda WADDANI dhakhli joogta ah ugu talagelaysaa dadka jilicsan ee, agoonta iyo caruurta saboolka ah iyo dadka laxaadka la’, iyadoo ay iska kaashanyaa Dawladda Dhexe, Dawladaa Hoose, Ganacsatada iyo samafalka sida Hay’adda Sakada.

KHAAYRAADKA DABIICIGA: Macdanta, Shidaalka iyo Tamarta Nadiifta ah

Xukuumadda WADDANI waxay ka hawlggelaysaa ansixinta iyo hirgelinta xeerka khayraadka dabiiciga ah ee qaranka. Waxay dhiirgelin buuxda siinaysaa maalgashiga sharkadaha shidaalka iyo damaanad-qaadka ammaanka dadkooda, qalabkooda iyo maalkoodaba. Waxanu si Daahfuran ugu bandhigaynaa bulshada dhaqaalaha ay bixiyaan sharkadaha shidaalku. Waxay ka wacyigelinaysaa bulshada degaanka shidaalka horumarka ku fool leh iyadoo kala xaajoonaysa sharkadaha tacwiid lagu dheelitiro dhibka hawlgalka qodaalka iyo culayska dadka shaqo-tagga ku soo burqanaya ee degaanka iyo nolosha ijtimaaciga ah; iyo in la horumariyo kaabayaasha dhaqaale iyo addeegyada asassisga ah iyo in shaqo-qorista tixgelina gaar gobolku uu helo.

WADDAOOYNIKA

Xukuumadda WADDANI waxay samayanaysaa qorshe qaran oo ay hirgelinayso oo ka tarjumaya mudnaanta, isku xidhnaanta, horumarka iyo shabakadda Waddooyinka ee dalka: Waxay hirgelinaysaa shabakadda waddooyinka isku wada xidha dekedaha, goobaha wax-soo-saarka iyo suuqyada magaalooyinka waaweyn oo dhan. Waxay keenaysaa dalka qalabka wadda-dhiska oo filan, oo gaar ahaan gobol walba hurin (road unit) la geeyo. Waxaynu dhamaystiraynaa waddooyinka dhismahooda socdo oo ay kow ka tahay Waddada Ceerigaabo-Burco. Waxay hirgelinaysaa qorshaha waddooyinka caasimadda, una qorshaysan in ay la jaanqaadaan baahideeda horumarineed ee waktiga dhow iyo ka dheerba sida ku faahfaahsan Barnaamijka WADDANI.

  1. DARYEELKA DADKA: Arrimaha Bulshada

Caafimaadka

Xukuumadda WADDANI waxay “dhisaysaa bulsho jidh iyo maskaxba caafimaadqabta, iyadoo hirgelinaysaa siayaasadda “caafimaad tayo leh, la awoodo, oo dadka oo dham wada heli karaan, miyi iyo magaalo.” Waxay xoojinaysaa ka hortagga cuduradda iyadoo xoogga saaraysaa baahinta wacyigelinta caafimaadka iyo talaalka caruurta, hooyada iyo waayeelkaå jilicsan.

Waxay fidinaysaa adeegga caafimaadka asaasiga ah, isla markaana tayeynaysaa adeegga cusbitaallada. Waxay culayska saaraysaa daryeelka hooyada uurka leh, iyadoo diyaarinaysaa hab loogu gurmado wakhtiga foosha lagulana socdo isgaadhsiinta inta ka horaysa, haddii aanay so gaadhi karayn xarumaha. Waxaynu xoojinaynaa daryeelka dadka dimirka qaba, iyo ilaalinta tayada dawada.

Waxbarashada

Qaniimada ugu weyn ee dalkanu leeyahay waa dadkiisii, sidaa darteed Xukuumadda WADDANI waxay maalgashiga ugu weyn gelinaysaa dadkeeda kaas oo ay ku salaynayso waxbarasho tayo leh, oo qofku uu ku helo aqoon, farsamo iyo xirfad uu ku shaqaysto, dalkana u horseedda in uu uu xaqiijiyo horumarka uu higsnayo. Waxay hoos u dhigaysaa akhris la’aanta oo ay hoos ugu dhigayso ilaa 20%, waxay kor u gaadaysaa isqorista dugsiga hoose oo lacag la’aan ah in uu kor u dhaafo 80%, Waxaynu fidinaynaa barashada diinta islaamka oo aynu ku xoojino manhajka, tayona u yeelayno malcaamadaha quraanka ee muhimadda soo-jireenka ah u leh waxabarashada asaasiga ah ee umaddeena.

Xukuumadda WADDANI waxay Dhisaysaa 1000 fasal oo dugsi hoose-dhexe, 20 Dugsi sare, 30 Dugsiyo Farsamo iyo 180 aqal oo macallimiinta. Waxay biyo iyo laydh gelinaysaa dugsiyada dawladda dhamaantood meel kasta miyo iyo magaalo. Waxay ku baahinaysaa dugsiyada gobolada oo dhan 360 isugu jira laababka kombuutarka, sayniska iyo maktabado, si ay kobciso waxabarashad Farsamada iyo Xirfadaha iyo maadooyinka sayniska, xisaabta iyo ITga.

Waxay Xoojinayna, awoodda Wasaaradda ka masuulka ah Waxabarashada sare, iyo Guddida Tacliinta sare iyo CIlmi-badhista si loo hirgeliyo halbeegyo iyo qiimayn xooggan oo lagu kala saaro tayada Jaamcadah dalka, laguna taageero kuwa soo saaray aqoonta, iyo xirafdaha horumarka dalku u baahanyahay. Waxaynu dhiirigelinaynaa Kulliyadaha Caafimaaka, macalininada iyo Teknoolajiyada wax-soo-saarka u adeegta.

Waxaynu Samaynaynaa Gole ay ku mideysan yihiin dawladda iyo qaybta hantida gaarka ah (Public Private Partnership) kaas oo isu-dheelli-tira baahida suuqa ee shaqaalaha farsamo iyo xirfadeed iyo wax-soo-saarka dugsiyada farsamada iyo tayadooda, isla markaana oddorosa is-beddelka teknooljiyada iyo baahida shaqaale.

KA HAQAB-BEELKA BIYAHA

Inyar ayaa dadka Jamahuuriyadda Somaliland hesha biyo nadiif ah oo joogto ah. Ugu yaraan saddex-dalool laba, dadka malyuunka kor u dhaafay ee caasimadda Hargeysa ku nool ayaan helin biyo qasabadeed. Dhinaca miyiga dadku weli sidii awowyaashood ayey dhibataada jiilaalka, abaaraha iyo biyo-la’aantu u haysataa. Haddaba, ka haqabtirka biyuhu ummadda Somaliland miyi iyo magaalaba, waa udub-dhexaadka siyaasadda daryeelka bulsho ee Xukuumadda WADDANI.

Biyaha Caasimadda: Waxay Xukuumadda WADDANI hirgelinaysaa biya-gelin buuxda ee Caasimadda Hargeys oo ay gaadhsiin doonto ugu yaraan 95% dadkeedu in ay helaan biyo qasabad joogta ah. Waxay dib-u-habyn iyo tayeyn ku samaynaysaa Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyadoo laga shidaal qaadanayo waaya-aragnimada caasimadaha adduunka.

Istratejiyada Xukuumadda WADDANI ee ka Haqab-Beelka Biyuhu waxaa ka mid ah: 1) qabashada biyaha togagga, iyada oo la dhisayo biyo-xidheenno lagu koriyo wax-soo-saarka xoolaha, beeraha iyo warshadaha; 2) maalgelinta teknoolajiyada ku shaqaysa tamarta qoraxda iyo dabaysha ee matoorada ceelasha biyaha ka soo tuura; iyo fidinta isticmaalka bambo-gacmeedka ceelasha gaagaaban; 3) Samaynta khariidadda keydka biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo istraatejiyadii loogaga faa’iidaysan lahaa.; 4. Keenida qalabka biyaha lagu qodo, oo gobol walba la geeyo hal riig, agabkiisii, shaqaalihiisa iyo miisaaniyadiisa.

GURIYEYNTA

Xukuumdda WADDANI, waxay ku talaabsanysaa:

dejinaysaa siyaasad tafatiran oo ka tarjumaysa daboolidda baahida hoyga dadka Jamhuuriyadda Somaliland miyi iyo magaaloba. Waxay aasaasaysaa Wakaaladda Guriyeynta iyo Drayeelka Hantida Maguurtada Somaliland isla markaana dhisaysaa 1070 Guri oo dawladeed oo loogu talagalay shqaalaha, ccidanka, macallimiinta iyo dadka jilicsan; iyo 3000 guri oo kiro-iib la awoodo, muddo-xileedk hore.

Waxay, Dhiirri-gelinta maalgashiga soo-saaridda iyo adeegsiga khayraadka dhismaha ee dalka sida: sibidhka, marmarka, rijniga, lebenka, dhagaxa-qoran, iwm iyada oo la isticmaalayo warshado yaryar iyo qaar baaxad lehba. Waxay dhiirigelinaysaa ilo maal-gelineed oo xalaal ah, si muwaadiniintu hoy dhismo ah u heli karaan, kuwa hadda jira iyo kuwa soo biirayaba.

Waxay Kor-u-qaadisaysa xirfadda dhismaha iyo tirada xirfadlaha guud ahaan dalka, iyada oo dugsiyada farsamada laga soo saarayo farsamo-yaqaanno dhisme lagu fuliyo hawshaas.

  1. CADDALADDA BULSHADA

HAWEENKA

Haweenku waa 50% in ka badan dadka Somaliland, waa laf-dhabarka qoyska, dhaqaalaha iyo daryeelka dadkaba. Haddana uma suntana oo in badani uma aqoonsana, markaas ayey weliba u dheeraan kartaa, qaybo badan oo ka mid ahi, in ay ku noolyihiin dulmi iyo dibindaabyo aan cid ay ula irkadaan jirin.

Haddaba, Xukuumadda WADDANI, waxay dammaanad-qaadaysaa xuquuqda iyo caddaaladda haweenka; Haweenku waxay Xukuumadda Xisbiga WADDANI ka heli doonaan xaqqooda siyaasadeed iyo horumarba iyadoo hirgelinaysaa kootada golayaasha siyaasadda ee 30%. Waxay xoojinaysaa xurnamda qoyska, dhawrsoonaanta guriga, iyo hirgelinya qiyamka habboon ee diinta islaamku fartay.

Xukuumdda WADDANI waxay furaysaa xarumaha haweenka ee gobol walba, kuwaas oo lagu hirgeliyo tababarada haweenka ee xirfadda ganacsiga iyo baridda mihnado cusub oo ay ku shaqaystaan. Waxay gacan-qabanaysaa ururada haweenka iskaashiga dhaqaale samaystay ay ka midyihiin DANWADAAG ee si ay u sii xoogaystaan. Waxay xaqiijinaysaa in dumarka iyo habluhu ay qayb ka noqdaan dhammaan heerarka waxbarashada, in la dhiso xirfadahooda iyo in loo tababaro hoggaaminta.

BULSHOOYINKA DULMAN

Xukuumdda WADDANI waxay la dagaalamysaa xadgudubka iyo dulimga salka ku haya takoorka ka yimaadda dhaqanka iyadoo loo marayo sifo sharci. Waxay hirgelinaysaa Ka qaybgelkooda siyaasadda dalka iyo heer kasta oo hoggaamintiisa ah – dalwadda, xisbiyada qaranka iyo ciidamada amaanka noocyadaooda oo dhan. Waxay u samaynaysaa mashruuc qaran oo ku salaysan kor u qaadidda noloshooda kaas oo taabanaya dhiancyada muhiimka ah ee dhaqaalaha, waxbarashada, shaqada, iyo kobcinta hay’ado bulsho oo u adeegga, miisaaniyad dawladeedna leh.

DHALLINYARADA

“Dhalinyaro, toos Baan idiin la hadlayaa”

XUkuumadda WADDANI waxaa ka go’an in ay si mug leh u hawl-geliso xoogga iyo maskaxda dhallinyarada wiilal iyo hablo, miyi iyo magaalo, gudo iyo dibedba, si ay dalkooda u dhistaan ulana jaan-qaadaan dhiggooda caalamka; waxaa tihiin 70% bulshada Somaliland oo ah xoog cusub oo dihin oo marnaba aan la qarwaaqsan Karin in la dayaco ama lagu sii daayo badaha iyo saxaaraha haad iyo haanraawe kaga dhergo.

Xukuumadda WADDANI waxay labada gacmoodba isugu geynaysaa in ay dhalinyarada midayso oo saxalka ka saarto, iyo in ay maalgeliso sidii ay u aamini lahayd in ay dhisato dalkeedan dihin ee aan cid kale u soo dhalanayn. Waxa ugu weyn ee aan u ballanqadayaa waa in aan caddaalad u sameeyo oo ka dulqaado dhaqanka ay ka irdhoobeen, ee ku dhisan eexda, qaraabokiilka iyo musuqmaasuqa kaas oo maanta aafo ku ah bulshadeena iyo hab-dhaqanka dawladeedba. Waxaan u soo qalabqaatay in aynu smaayno isbeddel taam ah oo aynu ku tayeyno, karaamadiina ugu soo celino dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan u balanqaadaya in waxa keliya ee lagu kala saaraa uu noqdo inta ay isdheeryihiin aqoonta, xirfadda iyo kartida uu qof walba la soo baxo, sidaasna ay garoon siman ugu tartamaan fursadaha dalkooda ka soo baxa ee shaqada, waxbarashada, siyaasadda iyo mihnadda qof walba doorto. Waxaan iyagana uga marti ahi, waa dhalinyarad e, in ay fursad siiyaan himiladaa ah in ay dalkooda dhistaan oo dhinacooda nala qabtaan sidi aan hadafka horumarka horseedaya u fulin lahayn, in nolosha ay dhigoodu ka samayteen dalakooda ay Iyana halkan ka samaysan karaan, “haa, waynu wada samayn karnaa ayaan idin leenaahy”.

Waxaan idin kala dardaarmayaa “Tahriibta”: naftaada khatar ismiidaamin ah ayaad gelinaysaa; waalidkaaga iyo ehelkaaga dhib aan hadal lagu koobi Karin ayaad u keenaysaa, dhinaca dalkaaga iyo dadkaagana waxaad naafaynaysaa himiladooda ah in ay horumar iyo nolol wanaagsan gaadhaan, oo kaalintaadii ayaad ku banaynaysaa; intaas oo wada halbaas ah, waa halkii Hadraawiye, ayey “tahriibtu” leedahay.

GEEDISOCODKA DIMUQRAADIYADDA IYO XUKUN-WANAAGGA

Xukuumadda WADDANI waxay kobcin doontaa habka dimuqraadiga ah ee aan ku caano maalay, waxayna ballan qaadaysa in ay si aan hakad iyo hagrasho lahayn u qaban doonto doorashooyinka golayaasha dalka iyo kuwa madaxweynaha xilligooda oo go’an. Waxaanay ummadda u ballan qaadaysa in ay baabiin doonto dhaqanka muddo korodhsiga ee cambaarta ku noqday dimuqraadiyada Somaliland. Waxaan dhiirgelinayna dawrka firfircoon ee saxaafadda ay ka qaadato doorashooyinka iyo wacyi gelinta dadka, annagoo ballanqaadaynay in aanu ilaalino xoriyadeeda iyo ta asaasiga ee dastuurku jediyeeyey.

Walaalayaal

Waxa innoo ballan ah in aan galno olole doorasho oo nadiif ah iyo tartan xor ah oo xalaal ah. Waxaanan ku boorrinaynaa Komishanka Doorashooyinka in ay u guntadaan sidii ay u suurto gelin lahaayeen in la helo doorasho hufan oo muwaadiniintu xaqooga distooriga ah ku gutaan dalkana sumcaddiisa iyo dawladnimadiisa meel sare gaadhsiisa.

DHAMMAAD!!.

Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI