Qaadashada Kaadhka Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Oo Siweyn Uga Socota Xarunta Xisbiga Iyo Samxada Tageeraysha Oo Laga Dareemayo Magaalada Hargaysa

0
893

Shirkii golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI ee lagu soo dooranaayay Murashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa siweyn looga dareemaya Magaalada Hargaysa.

Waxana isbadal ku yimi Huteelada Magaalada Hagaysa, kuwaas oo lagu arkaayo Camirnaan ay ku soo kordhiyeen xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI oo isaga kala yimi Gobolada dalka iyo Waddamada debadda.

Xarunta Xisbiga WADDANI oo ay booqdeen Wariyayaal ka socda Somalilandtoday Media Group, waxay kula kulmeen shaqaalaha ka hawlgala xarunta dhexe, oo ku mashquulsan Sawirida iyo diwaan galinta xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI.

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa si lama filaan ah u sameeyay korukac baxaadleh, isagoo badalay dhammaan musawirkii hore ee Siyaasadda Somaliland, kadib markii ay ku bireen siyaasiyiin miisan ballaadhan ku dhexleh bulsha, geesta kalena Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo gogosha Xisbiga balaadhiyay ayaa ku dhiirashada uu sameeyay waxay Xisbiga WADDANI u horseeday tagerayaal baaxad leh oo cidhiidhi galiyay Xisbiga tartanka xoogani ka dhaxeeyo ee KULMIYE.