Wasiirkii hore ee wasaarada arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis  isla markaana wakhti xaadiran ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo maanta wareysi gaar siiyey saxafi Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan telefiishanka HCTV ayaa waxaa uu is bar bar dhig ku sameyeey hogaaminta gudoomiye Ciro iyo Muuse Biixi

“Waxyaabaha aan Cabdiraxaan Ciro ku doortey waxaa ka mid ah waxaan idhi anigu tii hore ee  aan ku jiray ee Kulmiye waa la afduubay jujuub ayaa wax lagu doortey, xaaran bey aheyd , Cabdiraxmaanow hadii aad adiguna leedahay tani aniga ayey ii xidhan tahay ama reer kayaga ayey u xidhan tahay  iman meyno , Cabdiraxmaan Ciro halkaas buu soo dhigay hadii aad tartan dooneysaan ahla wa sahlan buu yidhi , hadii aad waliba rabtid musharaxnimada waan kaaga dagayaa buu yidhi   run ahaantina qadirintaas baanu  ugu soo biirnay ”  ayuu Maxamed Biixi Yoonis Yidhi .

Sidoo kale Maxamed Biixi Yoonis ayaa waxaa uu gaashanka u daruuray hadalo dhawaan ka soo yeedha gudoomiye Muuse Biixi kaas oo  ku duraayey siyaasiyiinta isbaheysiga Kulmiye ee ku biiray xisbi mucaaridka Waddani