Aqoon Is-waydaarsi Ku Saabsan Sidii Ay Beelaha Gabooye Uga Qayb-qaadan Lahaayeen Siyaasadda Dalka Oo Hargeysa Lagu Qabtay.

0
107

Madax-dhaqameedka,siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka kala duwan ee beelaha Gabooye ayaa shalay kulan aqoon iswaydaarsi ah oo socon doona muddo laba cisho ah uga furmay magaalada hargeysa.

Waxaana kulan aqoon iswaydaarsiga ah soo qaban qaabiyay ururka asaasiga ah ee Daami Youth Organization (DY.DO) iyada oo sidoo kalena ay maalgalisay kulankani hay’adda qaramada midoobey ee UNSOM.

Waxaana kulan goob joog ka ahaa siyaasiyiinta,aqoonyahanka iyo madax-dhaqameedka beelaha gabooye,siyaasiyiin ka socday xisbiga WADDANI,masuuliyiinta hay’adda ururada aan dawliga ahayn ee Sonsaf,gudoomiyaha xarunta xaquuqal iinsaanka somaliland iyo masuuliyiin kale.

Waxaana ugu horeyn kulankaasi ka hadlay Eng Xuseen Ibraahin Buuni,waxaanuu faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulan aqoon iswaydaarsiga loo qabtay waxaana uu yidhi

“Ujeedada kulanku waxa uu daaran yahay sidii loo horumarin lahaa korna loogu qaadi lahaa sidii beelaha gabooye uga qayb qaadan lahaayeen siyaasada iyo horumarka dalka,waxaan kulankan kasoo qayb galay masuul ka socday hay’adda UNSOM oo iyadu dhaqaale ahaan inaga qaabishay kulanka,waxa kale oo aan soo casuumay masuuliyiinta saddexda xisbi qaran madaama ay soo dhaw daahay ololihii doorashooyinka si ay inoola wadaagaan ajandahooda ku waajahan waxa uu xisbigu ka damacsan yahay ama u qoondeeyey beeshan doorashada soo socota,waxaanuu socon doonaa muddo laba cisho ah waxaana lagu qaadaa dhigi doonaa sidii hore loogu socon lahaa”sidaas ayuu yidhi Eng Xuseen Buuni

Dhanka kale isna waxa halkaasi ka hadlay Rashiid Nuur Caalin oo ah aqoonyahan badanaa ka faalooda waxna ka qora arimaha beelaha Gabooye,isaga oo goobtaasi kasoo jeediyay hadalo iskugu jira waano iyo wacyi galin,sidoo kalena waxa uu ka warbixiyay ujeedada uu badanaa wax uga qoro beelaha gabooye waxaanu yidhi

“Wax la qabto ama layskugu yimaado wax ka khayr badan dad leh aan noqo walaalo,iskaashano,wada qosolno dad leh aan kala guursano wax ka wanaagsan oo la qabtaa ma jirto,anigu sidaydaba waxaan ka mid ahay beesha sababtuna waxay tahay in badan ayaan u doodayay in badan ayaa wax ka qorayay markaa heer waxay gaadhay inaan idhaahdo anaga,waayo? markaad iska saarto dabada adigu dee kama mid tihid waxbana ku darsan maysid,dantu waxay tahay inaynu is jeclaano,gacmaha is qabsano isku dhawaano midna aan la reebin midna aanu baal marin ayaa loo baahan yahay, markaa in maqaaxiyaha wax idinku yimaadan,ama jaraa’idada inaad wax ku qortaan wax idiinku yimaadaan maahee waa inaad kululaysaan arinta”Sidaas ayuu yidhi Rashiid Nuur Caalin

Suldaan Naasir Suldaan Cali oo kamida salaadiinta beelaha gabooye ee kulankani goob jooga ka ahaa ayaa waxa uu ka hadlay caqabadaha badanaa lasoo darsa beelahani,sidoo kalena waxa uu ka hadlay Rabshadihii khasaaraha sababay ee dhawaan ka dhacday magaalo xuduudeedka Wajaale ee gobolka Gabiley isla markana ay ku naf waayeen laba qof halka ay laba kalena ku dhaawacmeen waxaana isagoo arimahaa iyo kuwo kaleba ka hadlayana waxa uu yidhi.

” Sida uu rashiid yidhina waxa dhaba in aan cidna buqcad dahab ah aanay cid kale wax ku siinayn ee cid walba waxii ay iyadu kasbato ee ay raadsato ayay helaysaa ,waxa dhaba inay dhacayeen xad gudubyo caado ah tan iyo maalintii dalka lagu soo noqday ilaa iyo maanta oo ay u danbeysay dhacdadii ka dhacday degmada Wajaale,taasoo xad gudub xanuun badan ku abuureysa bulshadan xirfadlayaasha ah iyo somaliland-ba.waayo waxa laga dagaalamay xad-gudub,iscabudhin,in ciidamadu dadka iska xidh-xidhaan,dhacdadaa wajaaale waxa ku dhintay laba inan oo mid beesha ahaa qoys-na u shaqaynayay ma aha wax damiirkayagu qaadan karo,waxaan leenahay ciidamada boolisku waa inay dadka ka dayaan xad-gudubyada cankaas ah,xukuumadda,laamaha amaanka iyo wasaarada arimaha gudahana waan la socod siinay,waxaanan ku nidhi hadii arinkaa si deg deg ah wax looga qaban waayo waxay somaliland ku noqonaysaa buqcad madow oo taariikhda gasha”sidaas ayuu yidhi Suldaan Naasir

Intii kulankani socday waxa iyaguna halkaasi hadalo duur xulkoodu ahaa sidii beelaha gabooye uga dhex muuqan lahaayeen siyaasada dalka iyo waliba sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka dalka kasoo jeediyay salaadiin,siyaasiyiin,masuuliyiin iyo aqoonyahan,iyo masuul ka kala socday hay’adda ururada aan dawliga ahayn ee SOnsaf iyo kulankani goob joog ka ahaa.

Gabagabadiina masuul ka socotay Hay’adda qaramada Midoobey ee UNSOM Mss Anita Angabi oo iyaduna kulankaasi ka hadashay ayaa ka xog warantay sida ay hay’addani uga qayb qaadato horumarinta beelaha gabooye,sidoo kalena waxay madax-dhaqameedka,siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka beelahani ku boorisay in ay u tafaxaytaan sidi ay uga qayb qaadan lahaayeen siyaasada iyo harumarka dalka waxaana kamid ahaa hadaladeedii sida tan.

“Runtii hanaanka dimuqraadiyadeed ee somaliland ka hana qaaday waxaanay su’aali ka taagnayn inay muhiim tahay inay qayb ka noqdaan dadka laga tirada badan yahay si aynu u helno nidaam loo wada dhan yahay oo cid walba ka qayb qaadato,saakan waxaan idinla joognaa inaan idin kala qayb galno kulankan ku saabsan xuquuqda dadka dadka laga tirada badan yahay,runtii waxa wax laga xumaado ah in 20 sanadood kadib markii wadamada xubnaha ka ah qaramada midoobey ay soo saareen baaqii caalamiga ahaa ee ku saabsanaa xuquuqda dadka laga tirada badan yahay inay hadana wali sii socoto in dadka laga tirada badan yahay meel kaste oo ay jogaan inaanay si siman uga helin xuquuqdooda dadka kale ee ay la dagan yihiin”sidaas ayay tidhi Mss Anita Angabi

Comments

comments